Nin ku Hubaysan Mindi oo Weeraray rakaab Saarnaa Tareenka Dheereeya ee Japan

Nin hubaysan ayaa weeraray tareen rakaab waxaanu dilay hal qof isla markaana wuxuu dhaawacay laba kale, bilayska ayaa qabtay xidhayna dambiilaha falka geystay, laakiin wali wax hadal ah kama uusan soo saarin sababta dhabta ah ee weerarka.

Sida laga soo xigtay warbixinnada la hayo, dhacdada ayaa dhacday fiidnimadii Axadu so galaysay tareenka oo ah kuwa dheereeya ayaa u kala socdaalayay magaalooyinka Osaka iyo Tokyo.

Bilayska ayaa sheegay in ka dib markii tareenku bilaabay socodkiisa uu nin dhallinyaro ah si lama filaan ah uu ula soo baxay mindi isaga oo weeraray rakaabka waxaanu nin ka dhaawacay qoorta, taasoo keentay dhimashadiisa markii dambe. Intii waday weerarka ayaa laba dumar ah ay ku dhaawacmeen waxaana loo qaaday isbitaal.

Bilayska ayaa xidhay ninka weerarka ahaa magaciisan waxay ku sheegeen Ichiro Kojima oo 22 sanno jir ah,Intii lagu guda jiray baadhitaanka ninka dhallinyarada ah ayaa sheegay inuusan qorshaynin weerarka, laakiin uu ku jiray xaalad cadho daran, bilayskuna waxay ka heleen mindiyo badan alaabtiisa taas oo shaki galisay sheegashadiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso