Hay`adda Wadooyinka Itoobiya ERA Oo Mashaariic Wadooyin ku kacaya Adduun dhan 13 bilyan ah la Saxiixatay qandaraaslayaal

Addis Ababa, June 10, 2018 (ToggaHerer) – Hay’adda Waddooyinka Itoobiya (ERA) oo heshiis la saxiixatay 10 qandaraasle oo loogu talogalay inay dhisaan ayna hagaajiyaan wadarta wadooyin dhan 785.39 km ayna ku baxayso kharash dhan 13.4 bilyan oo birr oo ay dawladda Itoobiya bixinayso.

Agaasimaha Guud ee ERA Araya Girmay ayaa heshiis la saxiixday qandaraaslayaasha.

Dhismaha wadooyinka waxay bilaabmi doonaan sanad-maaliyadeedka soo socda ee Itoobiya waxaana laga fulinaya Gobolada Amhara, Soomalida Itoobiya, Oromiya, Benishangul Gumuz iyo SNNP.

Dhismaha wadooyinka waxay qaadan doonaan 3-4 sanno si loo dhammeeyo.

Shan ka mid ah qandaraaslayaashu waa shirkado maxalli ah sida la sheegay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso