Aqoonta ayaa Hagta Horumarka Dal

Dadka aqoonta Amma Xirfadda leh waa Hantida ugu muhiimsan ee dal leeyahay, waana mid ka mida Qodobada amma kaabayaasha dardar galiya in uu dal gaadho Horumar dhinacyo badan taabta, waxay Cariyaan amma curiyaan Dadka aqoonta leh ee dal leeyahay dhammaan hantida (resource) kale ee aan ahayn dadka ee uu dalku leeyahay iyagoo abuurayya amma u dhigayya si faa’iido taban u leh dadka iyo dalkaba, sida Caadigaga ah Hantida uu dal leeyahay waxa lagu koobaa sadex kala ah; kow Dhul (Land) laba Hanti (Capital) waa sida lacagta oo kale, saddex Dadka ( Human) saddexdan Hantiyood mida ugu muhiimsan ee Aan labada kale wax ku ool Noqonahayn haddii Aanay jirin waa Dadka oo ah kuwa ka shaqeysiiya amma macna u yeela Labadan Kale, Haddaba Dalku waxa uu Horumar amma Barwaaqow hiigsan karaa marka uu ogaado muhiimadda ay Dalka u leeyihiin Dadkiisu, Taas ayaanay ku xidhantay in dalku noqdo dal la tartama amma barbar istaaga dalalka kale ee adduunka ka jira, Waxa iyana muhiim ah in la tix galiyo qof kasta oo kammida Bulshada waayo dhammaantood way karaamaysanyihiin siduu ilaahay inoo sheegay. Haddaynu u nimaadno ka faa’iidaysiga dadka waa in looga faa’iidaystaa sida ay u kala faa’iido badanyihiin marka loo eego waxtarka ay ka geysanayyaan dadka iyo Dalka, taasina waxay ku xidhantahay sida ay u kala aqoon badanyihiin amma u kala xirfad badanyihiin, aqoontuna waxay noqon kartaa mid u dhalasho ah iyo mid kasbasho ah, Dadka aqoonta leh ee Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland loogama Faa’iidaysan sidii ku habboonayd taasina waa sababta aynu u hormari la-anahay waayo waxa caqabad ku noqday wax yaabo farabadan oo dalkeenna ka jira sida:- Qabyaaladda, eexda iyo Qof jeclaysiga oo aad moodo in shaqadeenna imika lagu tagaba yaad taqaaannaa amma ku yaqaan ee aanay ahayn maxaad taqaannaa, taasina waxay Sabab u noqotay in ay jaanis u helaan shaqooyin dad aan ku habooneyn meelaha ay joogaan taas oo ka hor imanaysa seeska shuruudaha ay shaqada lafteedu ku dhisantahay oo ah Qof ku habboon shaqada, whakhtiga uu ku habbonyahay iyo meesha uu ku habboon yahay ( Right person to the right position at the right time) qaacidadani waa qaacidada xaddidaysa qofka ay shaqadu u baahantahay wakhtiga ay u baahantahay iyo meesha u baahan, waxad moodaa wakhti xaadirkan in tan cakiskeeda uu ku shaqeeyo Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland hadday tahay shirkad gaara iyo mid dawli ahba oo shaqadii qof waliba amma maamule iyo madax waliba meesha bannaanaata uu u doono qof uu garanayyo amma cid uu dan ka leeyahay amma ka sareysaa ay u keentay, halkaasna waxa ku lumay horumarkii dalkan iyo dadkani hiigsanayeen qof karti lahaana waa lagu lumiyey kartidiisii lagana hor tegay dhiiri falintiisii:- cawaaqibta taa ka dhalatay maanta waxa inooga markhaatiya in dadkeennii aqoonta lahaa ay dibadaha amma dalalka inala Jaarka ah u shaqa tagaan iyagoo aan Dalku ka maarmin aadna ugu baahantahay waayo haddii aad ka faa’iidaysan weydey caqliga ku jira ayaa ku sameynayya carin oo ka dalbayya in uu dhaqdhaqaaq sameeyyo, waxaynu ognahay maanta dad badan oo dalkeenna meelo sare ka jooga shaqa ahaan kuwii ka mudnaana ay debadda joogaan taasina waxay dhalisay in ay la degto horumarkii dalka ayna Dhiiri geliso waxyaabo badan oo aynu ka cabanno hadda sida:- musuq maasuqa, wax is dabamarinta, Caddaalad darada iyo beenta oo ah midhihii ka dhashay qofkii aan ku haboonayn ee shaqada loo igmaday. Haddaba waxaan soo jeedin lahaa in aynu ka fekerno sidii aynu u sixi layn nidaamka shaqo ee dalkeenna ka jira ugana faa’iidaysan lahayn maskaxa qaaliga ah ee dalkeenu leeyahay, oo qof walba wuxuu ku fiicanyahay amma aqoonta u leeyahay lagu ixtiraamo loona daba fadhiisto. In la dhiiri galiyo dadka horumarka horseedi kara dalka iyo dadkana wax ku biirin kara In dadka aqoonta leh laftoodu ay u samraan inta loo soo noqonayyo kana qayb qaattaan sixidda hab shaqaaleynteenna ee aanay ka haajirin dalkood.

Advertisement

Ku Xayeysiiso