Akhri-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada Iyo Shaqogalinta Somaliland Hinda Jaamac Ayaa Kormeer indho indhayn Ah Ku Tagtay Xarunta Sos Oo Lagu Xanaaneeyo Carruunta AGoomaha  Ah..

(Toggaherer)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada Iyo Shaqogalinta Somaliland Hinda Jaamac Ayaa Kormeer indho indhayn Ah Ku Tagtay Xarunta Sos Oo Lagu Xanaaneeyo Carruunta AGoomaha  Ah..Wasiirka wasaarada shaqogalinta ,Arrimaha Bulshada Iyo qoyska Hinda jaamaca gaani ayaa kormeer u koorgalid ah ku tagtay xarunta Soos oo ah goob lagu xanaaneeyo carruunta agoomaha ah oo ku taala xaafada xero awr ee Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha xaruntaasi mustafe xaaji cadow ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey adeegyada ay xaruntaasi u fidiso carruurtaasi agoomaha ah waxaanu sheegay in ay goobtaasi ku xanaaneeyaan carruurta waalidkoodu ka dhintay ee rajada ah  waxaanu xusay in labo mashruuc oo kala ah tayeynta qoyska oo ah mashruuc xaruntaasi ku daryeylayso carruurtaasi waalidkoodu ka dhintay balse aanay ahayn carruuraha kale ee uu waalidkoodu daryeeli karaayo.

Wasiirka wasaarada shaqogalinta iyo arrimaha Bulshada Hinda jaamac oo goobtaasi ka hadashay ayaa tidhi:

(Waxaan U Mahadcelinayaa masuuliyintaHay-adaha  kala duwan ee caasimada somaliland ka howlgala iyo masuuliyiinta xaruntani ka howlgala oo aan odhan karo masuuliyiinta Sos Waxay carruurtan u dhaqeen sidii carruurtoodii oo kale,waxaanan idiinka mahadcelinayaa in aad qoysaskooda ku daryeeshaan ilmihii oo la jooga waxaanan idiinka codsanayaa in aad arrintaasi aad xoog noogala shaqaysaan ,sidoo kalena carruurta gaarka ah ee aad xaruntan ku haysaan waa waxyaabaha ay wasaaradani ka masuulka tahay waayo qodobka sagaal iyo tobnaad ee xeer nidaamiyaha 2018ka ee madaxweyne Muuse Biixi cabdi Uu soo saaray dowladiisu ayaa waxa uu tilmaamayaa in wasaaradu ka masuul tahay carruurta ,haweenka naafada ,dadka aan miirkooda lahayn iyo qofkastoo waayey daryeelka waalidnimo ama cid daryeesha aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin taasina ,tan kale ee qaabka loo maareynaayo hooyada runtii waa wax u baahan fadhi dheer waxu haddii ay noqdaan wax shuruucda ama dastuurka qaranka waafaqsan wuxuu noqonayaa in loo maro hab dastuuri ah anagoon Sos waxba la dhebceyn oo jecel in carruurtani hankooda iyo himiladooda ku gaadhayan hadana waxaanu jecel nahay in aanu u marno hab sharci ah).

Diyaarinta -Caydaruus Cismaan(Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso