Gudaha ka akhri: Hay’adda Qurbajoogga Somaliland waxay ugu baaqaysaa jaalliyadaha Somaliland qabashada xus qarameedka 58aad ee 26-ka June 2018

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay ugu baaqaysaa jaalliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamada caalamka inay u diyaar garoobaan qabashada xuska sannad-guurada 58aad  ee ka soo wareegtay taariikhda maalintii Maxmiyaddii Ingiriisku ka qaadatay xorriyadeeda Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June 1960.

Waxa aannu marka hore ku bogaadinaynaa jaalliyadaha Somaliland sidii wadaniyadda lahayd ee ay uga oogeen xuskii 27aad 18 May 2018 ee ka soo wareegay maalintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL oo lagu qabtay 41  caasimadood iyo magaalo ku kala yaalla 33 wadan qaaradaha adduunka ee Africa, Europe, America, Asia iyo Australia.

Labadan xus qarameed ee labada bilood ee isku xiga ku jira sannadka May iyo June, waa laba maalmood oo qayb weyn ka ah taariikhda dalkeenna iyo qadiyadda madaxbannaanida aan  dadaalka ugu jirro sannadkii 27aad kuwaasoo kala ah markii Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay Bortooyada Ingiriiska 26-kii June 1960, iyo markii aan dib ugala soo noqonnay madaxbanaanidaas dalka Somalia 18-kii May 1991 sidaa awgeedna waa laba taariikhood oo waaweyn oo dalkeennu leeyahay waajibna ah in

Halku dhegga sannadkan ee xuska 26-ka June 2018 waa mid ay Wasaaradda Arrimaha Debaddda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ku dhiirrigelinayso xoojinta midnimada iyo wadajirka, dadaalka ictiraaf raadinta iyo doorka Qurbajoogga Somaliland ka qaadanayaan xuskan June (Unity, recognition and role of Diaspora).  Xuska 26-ka June 2018 waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay duufaanno khasaare gaystay ka dhaceen qaybo ka mid ah dalka iyo xilli u baahan waxtarka midaysan. waxqabadka dalkeenna, difaaca qaranka, horumarka dalka.

Gebogebadii, waxa aannu ugu baaqaynaa dhammaan gudiyada iyo dadweynaha jaalliyadaha Somaliland iyo Wakiilladaba inaad uga faaiidaysaan fursadda xafladaha iyo shirarka xuskan iskaashiga iyo isku biirinta waxtarka dadkiinna iyo dalkiinna Jamhuuriyadda Somaliland. Waa inaan u muujinno dalkeenna iyo dawladdeenna JSL midnimo, wadajir, isku duubni, cududeenna iyo codkeenna midaysan iyo taageerada wadaninimo ee aan la garab taagannahay meel aan joognaba dunida daafaheeda.

 

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL 

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

07/06/2018

Advertisement

Ku Xayeysiiso