Austria oo Albaabada u laabtay 7 Masjid eridayna 60 Imaam iyaga oo ku sheegay In ay Dhaqaale Dibadeed helaan


Chancellor Austria Sebastian Kurtz ayaa sheegay in xukuumadiisu ay go’aansatay in ay xidhaan todoba masaajid ayna ka saaraan daraasiin imaamyo ah ay sheegeen in laga maal galinayay dibadda wadanka Austria iyaga oo ku xad gudbay sharciga Islaamka.

“Guddiga arrimaha diimaha oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa sameeyey baadhitaan ballaadhan, waana inaad xusuusnaataa warbixinnada ku saabsan dharka milatariga ee carruurta, maalgelinta dibadda ee imaamyada iyo dhacdooyinka kale ee aan ka jirin dalkeenna,” ayuu Kurtz ku yidhi war saxaafadeed maanta oo jimce ah uu soo saaray.

Waxaanu intaa ku daray “Guddiga arrimaha diimaha ayaa go’aan ku gaadhay in la mamnuuco howlaha todoba masaajid, mid ka mid ah hay’adda Gray Wolves iyo lix masjid oo ay leeyihiin bulshada Carabta,” Dhanka kale, daraasiin iimaamyo ayaa iminka laga saarayaa iyaga oo jabiyay qodobbada ku saabsan maalgelin dibadeed kana hor imanaysa sharciga. ”

Kurtz ayaa tilmaamay in baadhitaanada kiisas badan ay wali socdaan, laakiin intooda badan ayaa la soo gabagabeeyay, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Austria ay taageertay mabda’a xorriyadda diintamaha, iyo in sharciyadu ka shaqeeyaan dalka si ay u xakameeyaan wada noolaanshaha diimaha kala duwan waxaanu intaa ku daray in bulsho bulshada dalka baal socota aan laga ogolayn Austria..

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Austria Herbert Keke ayaa ku dhawaaqay in maamulku uu eryi doono 60 imaam sababtoo ah dhaqaalaha ay ka helaan Turkiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso