Tacsi Tiiranyo leh oo ku socota: Qoyskii Eheladii iyo dhamaan shacabka Somaliland oo ka geeriyooday Murxuun Ahmed-Nur aw Abdi Shaacir.

Tacsi Tiiranyo leh oo ku socota: Qoyskii Eheladii iyo dhamaan shacabka

Somaliland oo ka geeriyooday  Murxuun Ahmed-Nur aw Abdi Shaacir.

INAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN.

Anigoo ku hadlayaa magacayga Kosaar Aideed Abdi, magaca dhamaan reer Caydiid Cabdi Gaydh

Waxaan tacsi u dirayana qoyskii {Gaar ahaan dhamaan qoyska reer Ahmed-Nur Aw Abdi Shaacir, caruuta aan Abtiga u ahay ilama Ahmed-Nur iyo dhamaan reer aw Abdi Shaacir }, qarabadii, Ehelkii  iyo dhamaan shacabka Somaliland, geerida naxdinta leh ku timid,marxuun Ahmed-Nur aw Abdi Shaacir oo Salasa 5th June 2018 ku geeriyooday Somaliland magaalada Hargeysa. Waxaan ilaahay uga baryeynaa marxuunka inuu naxariistii janato Fardowsa ka waraabiyo, dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo.

 

Ilaahay ha naxariisto Marxuun Ahmed-Nur aw Cabdi Shaacir wuxuu ahaa masuul sare oo xilal kala gedisan ka soo qabtay dawaladii Riyaale iyo siilaanyo. Wuxuu soo qabtay xilalka kala ah Ex wasiirku-xigeenkii maaliyada,ex wasiirku xugeenkii waxbarashada iyo sayniska,wuxuu ahaa marxuum aad ugu suntan cadaalada,wuxuu ahaa macilin sare dawaladii Somaliya wuxuu ka soo qabtay xilka gudoomiye ku xigeenka wax barashada dadka waaweyn wadankii Somaliya la isku odhan jiray. Allah ha naxariistee wuxuu ahaa aqoon yahan, gabayaa hal abuur aqoon durgsan u leh cilmiga diiniga ah iyo ka maadiga ah ba.

 Allah qabriga ha kuu nuuro. Allah a naxariisto aamiin aamiin.

 

Kosaar Aideed Abdi

Manchestes UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso