“Qabyaaladda Haddii Aan Si Na Ba Uga Maarmi Weynay Cilmi Baadhis Ma Ku Samaynaa Oo Iyada Uun Sida Ugu Wanaagsan Ma Uga Faa’iidaysanaa?!”

“Qabyaaladda Haddii Aan Si Na Ba Uga Maarmi Weynay Cilmi Baadhis Ma Ku Samaynaa Oo Iyada Uun Sida Ugu Wanaagsan Ma Uga Faa’iidaysanaa?!”

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Maadaama si kasta oo looga hadlay iyo wacyi-gelin kasta oo laga saameeyay tix iyo tiraabba weli qabyaaladdu tahay mid aan xataa qaddar yar hoos u dhicin waxa aan ku fekeray tolow haddii iyada lafteeda la tayeeyo khasaareheedu intan ma ka yaraan lahaa?! Taasi u dhiganta; COLKA WADHAF MA LAGU DAYAY?

Sidee loo tayaynayaa? Qaybaaladi ma tayaysi kartaa? Xag wanaagsan ma leedahay? Kuwaas iyo qaar kale oo badanna waxa ay dhex guuxayaan maskaxaheenna. Marka se qodobbadan hoose aad igu raacdo ama igu diiddo ayaan uga gudbi doonaa habka loo tayaynayo qabyaaladda.

Weydiimaha kale ee iyana taariikh ahaan ahmiyadda leh waxa ugu horreeya, Dadku ma iyagaa doortay Qarannimada Qabiilku Bud-dhigga u yahay? Mise Siyaasiga ayaa u dooray? “Clan based politics”
Kaalin intee leeg buu ku leeyahay Qabiilku dib u dhaca Qarannimo? Dadku se maxay ku darsadeen dib u dhacaas Qarannimo?

Mar haddii sed-qaybsigeenu qabiil salka ku hayo, qabiil cilmi baadhis lagu sameeyay oo xog sugan laga hayo in uu salka ku hayo ayaa wanaagsan. Halkaasina na waa barta aan u doonayo in Hay’ad loo sameeyo taasi oo daraasaad rasmi ah ku sameysa Qabaa’ilka.

Is-diiddooyinka innaga hor yimid waxa ka mid ah shilka burburka badan ka dhashay ee isku dhaca danta Qaranka iyo tan Qabiilka. Mas’uul kasta oo xil loo magacaabo laba dariiq mid uun baa u bannaan in uu Qaranka u shaqeeyo iyo in uu Qabiilka u shaqeeeyo. Mas’uulka Qaranka u shaqeeya ee ka dhago-adayga dalabaadka qabiilku wuxuu la kulmaa cimri degdeg siyaasadeed oo kuwa magaca reerkiisa ku shaqaysta ayaa ka dacweeya madaxweynaha oo yidhaa; NA MA MATALO. Halkaa na xilka ayaa lagaga xayuubiyaa.

Wax yaabaha aan u arko in ay iyana qabyaaladda dab dhagax lagu dhuftay ka dhigeen waxa ka mid ah;

B. Hannaanka axsaabta badan oo ahaa hilinkii ugu dhowaa, ugu na mudnaa ee lagaga guuri lahaa Qabyaaladda markii isaga laftiisa qallooc galay wuxuu dhalay laba kacleyntii Qabyaaladda.

T. Habka ololeyaasha axsaabta siyaasadda oo ah mid aan cilmi ku dhisnayn ayaa isna hawada ku shareeray qabyaaladda.

J. Gunnayntii madax-dhaqameedka ee waagii M. Xaaji Ibraahim (AHN) habboonayd na markii ay joogsan weyday waxa ay dhashay walafka madaxda dhaqanka indhaha ka tuuray, goortanna halkii ugu sarreysay maraya oo gaadhay in madaxda dhaqanku Suldaan, Boqor, Ugaas, Jiif caaqil illaa caajil ay asxaabta siyaasadda la kala safteen halkaas oo ah lakabkii ugu hooseeyay ee qudhunka. Waxaa na madax-dhaqameedka kallifay markii doonistii kursiga waddanka ugu sarreeya muusanow lagu doonay.

X. Qallooc u adeegsiga iyo ku takrifalka awoodda iyo sharafka shaadhka dawladnimo sida; in qabiil mashaariic lagu siiyo, lagu shaqaaleeyo, qaar kale fursado lagu siiyo hab qabiil ayaa waxa ay muujisay sawirro farta ku fiiqaya in BOOLI QARAN sidii loo heli lahaa loo maro taageerada siyaasad qabiil oo hagaag uga dhex muuqata wax lagu sheego xisbiyo Qaran!

Kh. Tubta doorasho ee loo maro xubnaha loo sharxayo goleyaasha Deegaan ama Baarlamaan oo iyana qabyaalad badhax-tiran hoggaan looga dhigay, waxa ay curisay khilaafaad iyo xur-gufo Heer Gobol ah, heer Degmo ah, heer magaalo ama heer qabiil ah. Ugu dambayn gaadhay in qabiilka laftiisu jilibbo iskaga hor yimaaddo.

Xulashadii xildhibaanka ee intaas oo tacab ah loo galay khasaarahaas na dhalisay waxa ay sababtay in xildhibaankii reerku maal iyo muruq ba iskugu geeyay la waayo hab loola xusaabtamo. Tusaale anigu waxa aan ka dhashay Reerka Makaahiil xildhibaan haddii aan ku lahaan lahayn golaha deegaanka maadaama reerkaygu aanu meel qudha wada ool isku baahina aanu lahayn maxaan kula xisaabtami lahaa xildhibaankaas?!

Hadda ba hannaanka doorashada Gole deegaan aan u marno waxa iga la qummanaan lahayd in Degmo kasta ay u ordaan tiro xildhibaanno ah oo tusaale degmada Axmed Dhagax saddex xildhibaan èe u soo baxa dadka degmadu kula xisaabtamaan wax cad oo la taaban karo oo demada uu ka qabtay.

Doorashada Wakiillada waa wax laga yaqyaqsoodo in xeer-dejiye Qaran hab qabiil lagu soo xulaa. Iyada wax ba ka odhan maayo.

LA SOCO….

Advertisement

Ku Xayeysiiso