Geesi La Gartay. WQ: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

 

Waxa uu garwaaqsaday inuu sameeyey wixii ugu wanaagsanaa noloshiisa intii uu noolaa. Markii uu qaadanayey go’aankii halista badnaa, waxa uu u badheedhayey nolol iyo geeri ama guul iyo guul-darro mid uun. Idimka Ilaahay se waxa u rumowday tii wanaagsanayd, oo waxa uu la hulleelay guul iyo nolol ay farxadi ku dheehan tahay. Da’diisa oo yar iyo taagtiisu ba may hagran ee waa waxa macnaha u sameeyey guusha uu soo hooyey.

Qofka aan ka hadlayaa waa Cabdiqani Xuseen Xasan oo ah 16 jir ku nool magaalada Hargeysa. Waxa uu 30kii bishii Abriil ee 2018ka sameeyey hawlgal nafhurnimo ah, ka dib markii uu isku tuuray isaga oo adeegsanaya xirfad iyo kalsooni daad baaxad weyn, kaas oo qulqulayey balliga Qudhac-dheer. Waxana uu halkaa ku badbaadiyey laba carruur ah iyo hooyadood, oo xilligaa halis ku jiray.  Waxana daadkaa ku dhintay laba carruur ah oo la badbaadin kari waayey.

Mar uu Cabdiqani xaaladda ka hadlayey xilli wareysi laga qaaday 1dii May ee is la sannadkan 2018, waxa uu yidhi: “Waxa aan sii dabbaasha ba oo kol ba aan gebi ka sii gudba ba, halkii ayaan ugu tegay labadii yar yaraa. Kii yaraa ayaan markii ba soo qaaday, kii weynaa na waxa aan ku idhi, ‘qabso oodda.’ Kii yaraa markii aan soo qaaday ayaan u keenay hooyadii. Kii kale na gacanta ayaan soo qabtay oo waan soo kaxeeyey.”

Tallaabadaa geesinnimada ah ee uu sameeyey Cabdiqani Xuseen, waxay noqotay mid aniga saamayn igu yeelata. Markii aan arki waayey cid u mahadcelinaysa, is la markaana aan dareemay in aan si dhab ah loo dhugan nafhurnimadii iyo hawshii badbaadinta ee uu Cabdiqani sameeyey, ayaa waxa aan bulshada u soo bandhigay qoraal baraarujin ah, kaas oo aan qoray 4tii May. Waxana aan ciwaan uga dhigay: “Naftiisa Ayuu Halis U Geliyey Si Uu U Badbaadiyo Nafo Kale.”

Markii uu qoraalkii baahay ee uu dad badan gaadhay, haddana wax kale oo dhaqdhaaq ah ma arag. Markaas ayaa aniga oo asxaabtii igu dhaweyd kaashanaya, aanu ku dhaqaaqnay in aanu agaasinno sidii ninkaa yar ee Cabdiqani loo abaalmarin lahaa. Muddo ku siman labaatan maalmood ayaanu hawshaa ka fikirkeeda, diyaarinteeda iyo is ku dubbaridkeeda ba aanu ku hawlanayn. Waxana hawshu ahayd mid suxufiyiin ku kooban. Weli ba aniga ayaa ku adkaystay in aanay hawshu naga noqon uun abaalmarin lacageed oo keliya, ee billad na geesi na in aanu samayno.

Markii ay hawshu nooga dhammaatay dhanka Oslo/Norway, ayaanu u wareejinay Hargeysa, si hawshu uga qabsoonto gudaha. Waxana dhanka gudaha hawsha gadh-wadeen ka ahaa Maxamed Xasan Dirir.

Ilaahay mahadi ha u sugnaato’e, hawshaa midhaheedu waxay bannaanka u soo baxeen 28kii May ee 2018ka, ka dib markii xaflad cuddoon lagu qabtay barxadda dugsiga hoose iyo dhexe ee Qudhac-dheer oo Cabdiqani Xuseen ka mid yahay ardayda wax ka barata, isaga oo dhigta fasalka 6aad. Cabdiqani ayaa billad-geesidii lagu hor guddoonsiiyey boqolaal arday oo ka mid ah ardayda dugsiga wax ka barata, maamulka iyo macalimiintooda ba. Waxa kale oo isaga iyo hooyadii oo la socotay ba gacanta laga saaray lacag abaalmarin ah oo dhammayd $400 oo doollar. Waxana madasha lagaga dhawaaqay in Cabdiqani loo bixiyey (Cabdi Geesi).

Waxa hawsha sii bilay oo qaayaheeda kor u qaaday weriye Khaalid Foodhaadhi, oo sameeyey warbixin hufan oo koobsanaysa sidii Cabdiqani Geesi carruurta iyo hooyadood ba uu daadka uga badbaadiyey iyo qaabkii quruxda lahayd ee loo abaalmariyey.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay billadda iyo abaal-marinta la i siiyey. Waxana ay ii tahay dhiirigelin. Waxa kale oo ay niyad-dhis u tahay dhallinyarada gudaha waddanka joogta ee sidayda oo kale ah. Maadaama oo ay dadkooda iyo dalkood ba difaacayaan,” ayuu idhi Cabdiqani Xuseen (Cabdi Geesi).

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi: “Anigu na aad iyo aad ayaan ugu faraxanahay maadaama oo aan nafo badbaadiyey. Waa na wax Ilaahay igu ilhaamiyey oo waa la is ku leeyahay. Waxana aynu nahay dad Soomaali ah oo walaalo ah.”

Raxma Yuusuf Muuse, waa hooyada iyada iyo carruurteeda ba uu Cabdiqani Xuseen ka badbaadiyey daadka. Waxa weli ka sii muuqda dhaawacyadii uu daadku gaadhsiiyey, iyada oo foolasha sare ka daateen. Weriye Khaalid Foodhaadhi oo gurigeeda ku booqday, ayaa weydiiyey sidii Cabdiqani Geesi u badbaadiyey, waxana ay tidhi: “Haddii aanu Cabdiqani halkaa joogin, oo aanu biyahaa isku soo dhex tuuri lahayn, ma baanaan noolaaneen ba. Isaga ayaa na soo badbaadiyey oo naftiisa huray, oo tiisa (naftiisa) ayaa ba xitaa sigatay ba.”

Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Qudhac-dheer oo iyaguna ka hadlay madasha guddoonsiinta billada, ayaa si kal iyo laab u sheegay inay tahay wax lagu farxo billad-geesida Cabdiqani Xuseen lagu abaalmariyey. Waxana ay sheegeen inay hore Cabdiqani ugu abaalmariyeen inay ka dhaafeen lacagtii waxbarashada ee bixin jiray, oo hadda wixii ka dambeeya inta dugsiga u hadhay uu lacag la’aan ku dhigan doono.

Maxamed Xasan Dirir oo isagu wakiil ka ahaa hawsha gudaha iyo guddoonsiinta ba, ayaa mar wax laga weydiiyey hawsha billada waxa uu yidhi: “Waxa aanu billad-geesi aanu ugu talo galnay in aanu ku abaalmarino, aanu guddoonsiinay Cabdiqani Xuseen Xasan, oo sameeyey nafhurnimo uu daad kaga badbaadiyey laba carruur ah iyo hooyadood. Anna wakiil ayaan ka ahaa. Waxa aan u mahadcelinayaa maamulka dugsiga Qudhac-dheer oo iyaguna garab fiican nagu siiyey inay hawshaashi qabsoonto. Waad arkayseen sidii quruxda badnayd ee Cabdiqani ugu farxay.”

Waxa uu Dirir intaa sii raaciyey oo uu yidhi: “Waxa kale oo iyana wehelinaysay hooyadii isaga dhashay, oo runtii ay guul weyn u tahay in midhidhii ay iyadu dhashay uu tallaabada noocaas ah uu qaado.”

Ujeeddada guud ee aanu billad-geesidan ugu abaalmarinay Cabdiqani Xuseen Xasan (Cabdi Geesi) waxa ay ahayd; in aan si dhib yar loo illaabin tallaabaddii geesinimada ahayd ee uu sameeyey iyo in isaga laftiisa ay niyad-dhis u noqoto, si uu u dareemayo inuu sameeyey wax fiican oo ku dayasho mudan. Sida oo kale na in aanu noqon geesi la garab maray oo la iska illaabay.

Gunaanadka, waxa aan u mahadcellinayaa Ilaahay oo nagu guuleeyey hawsha culus ee aanu galnay. Marka xigta waxa aan u mahadcelinayaa oo hawsha billadda i la agaasimay weriyeyaasha kala ah Sabaax Axmed Cige (Sabaax Askar), Cabdirisaaq Cisman Fadal iyo Mahad Cabdulle oo isagu qaybtii hore ee agaasimka naga yar daahay, hasayeeshee xagga gadaal naga soo gaadhay.

Waxa kale oo aan iyagana u mahadcelinayaa Maxamed Xasan Dirir, oo qaabilsanaa agaasimka hawsha ee gudaha iyo Khaalid Foodhaadhi oo diyaariyey warbixin qiimo badan oo uu ka sameeyey billad guddoonsiinta.

Ugu dambayntii waxa aan u mahadcelinayaa maamulka dugsiga Qudhac-dheer, oo iyaguna si hufan u agaasimay xafladdii guddoonsiinta billada ee dugsiga ka qabsoontay.

 

Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersare1.blogspot.no/ 

Advertisement

Ku Xayeysiiso