Daawo/Akhri: Madaxweynaha Somaliland Oo Kafaalo Qaaday Nolosha Wiilkii Yaraa Ee Qoyskiisa Kuwaayey Masiibadii Duufaantii Xeebaha Somaliland Ku Dhufatay, Kuna Qaabiley Qasriga Madaxtooyada JSL

Hargeysa-25-05-2018-(Toggaherer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kafaalo qaaday nolosha Ibraahim Muuse Cabdi oo ah wiil dhalinyaro ah oo masiibadii duufaantii ku dhufatay xeebaha Somaliland ku waayey qoyskiisi oo ka koobnaa lix ubad ah oo ay walaalo ahaayeen iyo labadiisi waalid.

Ibraahim Muuse Cabdi oo isagu wakhtigaasi ku sugnaa dugsigii uu ka dhiganayey waxbarashada ayaa sidaasi kaga badbaaday masiibadaa ku habsatay qoyskiisa, wuxuuse garab iyo taageero buuxda ka helay qaranka Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shalay deegaannada Saylac, Caasha-caddo, Lughaya iyo Gargaara Bari oo roobabkii dabaylaha watay ay khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen, ku soo maray kormeer u kuurgelid ah, isaga oo indhihiisa kusoo arkay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, mar uu si gaara u xusay madaxweynuhu qoyskii masiibadu haleeshay ayaa waxa uu yidhi “Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa,” intaa ka dib waxa uu madaxweynuhu la wareegay masuuliyada wiilkaasi.

Waxaanu madaxweynuhu isla xalay ku qaabilay wiilkaasi yar qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu wiilkaa dhibtu soo gaadhay u jeediyey weedho waalidnimo ah oo uu ugu caqli celinayey ardaygaasi, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Illaahaybaa geerida iyo noloshaba keena, dabadeed waa lagu samraa wixii illaahay keenaba, waa kaa tacsiyadaynaynaa waalidkii iyo walaalihiiba, wixii dhaca ilaahaybaa keena waa qadar Alla, imtixaanka noloshaanay ka mid tahay, nin yarna waad tahay, meeshii uu waalidku ka baxayna tolkaa oo qaranka Somaliland ahbaa jooga, Somaliland oo dhanbaa ah, qof walba meeluu joogaba xilbuu iska kaa saarayaa, dhibtuu kula qaybsanayaa wixii kugu dhacay.”

Waxaanu madaxweynuhu wiilka ugu caqli celiyey in aanay cidina maanta soo celin Karin waalidkii iyo walaalihii, waxaana ka mid ahaa weedhaha madaxweynaha “halkii waalidka cidina ma soo celin karto, aabbiyo, hooyiyo, walaalo cidina buuxin kari mayso, laakiin Somaliland oo dhan ayaa kula dareemaysa taa in aanay cidina buuxin karayn, balse waa lagula dedaali in aad iyo aad qiyamkaaga, waxbarashadaada iyo noloshaada qarankaa kafaalo qaaday, halkanaad joogi, iskuulka halkanaad ka geli, noloshaada iyo mustaqbalkaaga waad dhisan, oo qarankaa kaa kafaalo qaaday ilaa jaamacadaada ilaa inta aad waxbaranayso, in la buuxin karo wixii waalidku ku qabanaayey ayaanu diyaar kugu nahay.”

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu Kula dardaarmay Ibraahim Muuse Cabdi inuu qur’aan akhriska badsado niyadana uu adkaysto, waxaanu yidhi “qur’aankana akhri, niyadana adkee, insha Allaah illaahaybaa cawad khayr qaba kusiin doona nolosha, insha Allaah waxan ku rajaynayaa mustaqbal wanaagsan, illaahay idinkiisa inuu ku siiyo”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso