Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 9aad

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 9aad

 

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

 

Habdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynnu soo sheegnay xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi baa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah.” Inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu falceliyeen, “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow.” Intaa markii ay yidhaahdeen ayaa uu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.”

 

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay, haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raalli ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye.

Sidaoo kale badiya xusuusta geeridu na waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in diyaar u noqotaa geerida.

 

 

 

 

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray in ay sameeyaan.

Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isaga oo ergaygiisi uu dunida sare la jooga.

Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.

Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taa soo haddii uu markiisi hore ahaa mid qalafsani u dhashay ka dhigta mid ka miirta dabeecaddiisi adkayd, sida oo kale salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo, mihimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaaddo, sida oo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.

Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, “Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi waxa u si cad u qeexaya dhanka lagu tirinayo qofka ka taga oogista salaadda.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso