R/W Khayre oo Maanta Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare oo ka Bilowday dalkaasi Somaliya.

Muqdisho, May 19, 2018—-.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta daah-furay Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo ay u fariisteen arday gaaraysa 27,600, kuwaas oo waxkabartay Iskuulaadka kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday Iskuulka 15-ka May ee degmadda Warta Nabadda oo kamid ah xarumaha lagu qaadayo imtixaanka, wuxuuna ka hadlay ahmiyadda ay u leedahay maalintan dawladda Soomaaliya iyo faa’iidooyinka laga dhexlo waxbarashada. Isagoona ardayda u rajeeyay in ay guul iyo farxad ku dhameestaan Imtixaanka maanta u bilowday.

” Waxaan u mahed celinayaa Hooyooyinkii iyo Aabayashii ku soo dadaalay in ay maanta carruurtooda halkan soo gaarsiiyaan, annaguna waxaan ballan qaadaynaa in aan ku dadaalayno sidii ay ardaydan u heli lahaayeen mustqabal wanaagsan oo wax wayn ka badala noloshooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyay madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka gobolka Benaadir iyo ciidamada amaanka sida wadajirka ah ee ay uga shaqeeyeen hirgalinta imtixaankan dawliga ah, kaas oo u baahan taxadar iyo dadaal badan si loo ilaaliyo amaanada imtixaanka dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso