Maqaalka qormadan oo ka mid noqon doona maqaalo dhawr ah oo aynu ku wadaagi doono qodobo inaga caawin doona sidii aynu bishan barakysan uga faa’idaysan lahayn.

Maqaalka qormadan oo ka mid noqon doona maqaalo dhawr ah oo aynu ku wadaagi doono qodobo inaga caawin doona sidii aynu bishan barakysan uga faa’idaysan lahayn.
Ugu horeyn inta aynaa guda-gelin qormadan waxaynu ALLE ka baryaynaa inuu inaga yeelo qaar laga aqbalo soomka iyo acmaasha kale ee aynu ku noolaynayno bishan barakaysan ee Rammaddan.
Waxaynu soo qaadan doonaa toddoba qodob oo haddii aynu la nimaadno inaga caawin doona inaynu ka faa’idaysano bishan barakaysan haddii EEBE idmo. Waxaana xusid mudan in qodobada qaar ay camalo badan hoos iman karaan . Balse aynu qaar ka mid ah tusaalayaal u soo qaadan doono.
Sidoo kalena waxa xusid mudan in dad badani ay qorshayaal iyo barnaamijyo ay kaga faa’idaysanayaan bishan Ramadan ay diyaarsadaan. Barnaamij-yadaas oo qodobadani ay ku jiri karaan. Qodobadan haddan si kooban u sheego inta aynaa u gelin iyaga oo faah-faahsan waxay kala yihiin :
 ALLE-KA CABSI.
 SABIRKA ; CAFINTA IYO DULQAADKA.
 MAHADNAQA
 XUSKA ALLE
 DEEQSINIMADA IYO WAX-BIXINTA
 AQOON-KORODHSI
 ISLA-XISTAABTAMISTA IYO KA TAWBAD KEENISTA GAABISKA IYO DEMBIYADA

1. ALLE-KA CABSI
Marka hore waxaynu odhan karnaa qodobkani waa ujeedada laga leeyahay soomka. Sidaas darteed qodobada Kalena waxa ay inaga caawin doonaan inaynu gaadhno qodobkan. Walibana qodobkani waa magaca ay leeyihiin dadka ALLE ku xusay quraanka inay yihiin dadka jannada dhaxli doona.
Qodobkan waxaynu ka soo qaadan laba camal : soomka iyo salaada. Ugu horeyn soomka ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo waajibiyay waxa ugu horeeya ilaalinta carabka iyo xubnaha kale sida maqalka iyo araga.
Tusaale ahaan carabka oo laga ilaalinayo inuu ka dhaco hadal xun ama aan faa’ido lahayn . Sidoo kalena laga dheeraanayo waxkasta oo bulshada kala duwan gaadhsiin kara dhibaato . Soomka ujeeda-diisuna maaha in laga dheeraado cunada iyo cabitaanka , balse waa in laga dheeraado waxyaabaha xun sida xanta , beenta , cayda , IWM.
Sidaas awgeed marka aynu ku dedaalno in aynu iska ilaalino arrimahan iyo dhaqamada kale ee xun af iyo gacan-ba , kuna bedelno hadalo iyo ficilo wanaagsan ; waxaynu noqon doonaa qaar u dhaw in soomkooda la aqbalo.
Camalka labaad ee aynu qodobkan ku eegi doono ayaa ah ilaalinta salaada bishan barakaysan. Waxaynu si kooban u xusi doonaa xidhiidhka ka dhaxeeya salaada iyo soomka oo aynu odhan karno : soomku waxa uu gaashaan iyo deyr ka yahay oo uu inaga hor-joogaa shahwadii nafta , waxaana uu inaga ilaalinayaa inay inaga dhacaan hadalo ama ficilo wax yeeli kara soomkeena , sidoo kalena salaaduna waxay inaga caawinaysaa inaynu ka dheeraano arrimahan xun wakhti kasta haddaynu joogteyno . Waayo salaadu waxay bedeshaa oo ay raad ku leedahay dhaqankasta oo xun oo qalbigeena saamayn ku leh .
Salaadu marka hore waxay ka soo bilawdaa suubinta qofka qalbiga inta aanay u soo gudbin xubnaha oo uu ugu horeeyo carabku . Tusaale ahaan qof ayaa waxaad arki kartaa inuu salaada ku dedaalo , balse ay ku adag tahay iska ilaalinta hadalada iyo ficilada xun. Laakinse marka qofkaasi loogu daro soomka waxaynu odhan karnaa qofkaasi waxa uu helay wado kale oo dheeraad ah oo ka caawin karta suubinta qalbigiisa iyo xubnihiisa , waayo suubinta carabka iyo xubnaha kale .. ( kana mid ah ujeedooyinka salaada ) ..haddi uu la iman waayo , waxa ay khatar iyo dhib ku tahay soomkiisa.

7. ISLA XISAABTAN
Qodobkan oo aynu odhan karno waa qodob aan ka maqnayn , markastana ku jira lixda qodob ee kale. Kuna iman doonaa hab su’aalo ah. Sidoo kale qodobkani waa ka ugu muhiimsan ayna ugu adag tahay fulintiisu ama joogtayntiisu.
Habka aynu u fulinayno qodobkan ayaa ah inaynu dib u eegno maalinteenii , inaga oo qiimeyn ku samaynaya waxaynu qabanay. Su’aalaha ka iman kara qodobka koowaad waxa ka mid ah :
( su’aaluhu intaas way ka badan karaan waanay ka yaraan karaan)

SOOMKA
 Soomkaygii maalintan ma ahaa mid aan ka ilaaliyay dhaqamada xun ee soomkayga wax yeeli kara sida xanta , beenta , aflagaadada , IWM ? Hadday jiraan dembiyo iga dhacay maxay ahaayeen 1,2,3 ….?
 Waa maxay xaaladaha keenay inay iga dhacaan ? Maxaana igu kalifay ?
 Goorma ama xaaladee ayaa sabab u ah ama aan u nugul ahay inay iga dhacaan?
 Sidee ayaan maalmaha dambe uga hortagi karaa?

SALAADA
( Su’aalaha ku saabsan salaadu waxay ku xidhnaan doonaa qofkastaa heerka uu taagnaa Rammadaan ka hor.)
 Shantii salaadood maanta ma ilaaliyay? Haddan ilaalin jiray sunnayaasha ma ku daray?….
 Imisa salaadood ayaan jamac ku tukaday?
 Imisa sunne ayaan tukaday? …..,IWM

Marka aynu dhamayno xisaabinta maalinteeni , waa in aynu markaas wixii inaga farxiya ee ku jira aynu ALLE ugu mahadnaqno . Inta kale ee aynu ka gaabinay iyo dembiyada inaga dhacyna aynu ALLE ka barino inuu inaga dhaafo. Kuna dedaalno inaynu isku deyno inaga oo ALLE talo-saaranayna in beri-tadeenu ay ka wanaagsanaato maanta-deena.

Gunaanadka maqaalkan waxaynu is-kula dar-daarmeynaa in loo wada duceeyo walaalaheena Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. , ALLENA dambi dhaaf loo weydiiyo intooda nool iyo kuwooda geeriyooday ee aan fursad u helin inay ka qeyb qaataan bishan barakaysan.

F.G
Su’aalaha uu qofkastaa is- weydiinayo wax ay ku xidhan tahay kolba heerka uu taagan yahay qofkaasi.

Ramaddan Kareem.
La socda qaybaha dambe

https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso