Gudaha ka Akhri : Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 3aad

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 3aad

 

Maxaa karaahiyo ah marka aad sooman tahay?

  • In aad soonto maalinta shakiga (sida in la arki waayo bisha, Shacbaanna aan la dhammaysan
  • In aad soonto sannadka oo dhan.

 

 

Maxaa lagaaga baahan yahay marka aad sooman tahay?

  • In aad badiso xuska Alle SWT sida; Quraan akhris badan, digri badan iyo duco badanba
  • In aad wakhtiga ilaaliso (waa in aanu wakhtigu kugu dhaafin in aad lumiso, sida adiga oo ciyaaraya ‘game, dubnad, laadhuu iyo shax’. Ogow in culimada qaar dubnadda laadhuda iyo shaxda sidooda u xaarantimeeyaan, markaa in wax laysku haysto aannu soonkaagii kugu dhaafin waa dardaraan)
  • In aad badiso salaadaha sunnayaasha ah, waxa dhacda in dadka qaar salaadda tahajudka u kacaan, salaadda subaxna ka seexdaan, taasi maaha mid bannaan.
  • In aad sadaqada badiso, sida adiga oo afurinaya qof sooman ama wax siinaya qof baahan.

 

 

Waa ayo dadka soonka laga fududeeyey?

  • Qofka gaboobay (qofka gaboobay waxa ku waajib ah in maalin wal ba u miskiin quudiyo, waxaana laga bixinayaa mud (laba kilo iyo badh) raashin ah ama qof sooman ayuu afurinayaa. Hadduu doonana hal maalin ah ayuu soddon miskiin wada afurrinaya)
  • Qofka xanuusanayaa (qofka xanuusanaya haddii la rajaynayo in uu ka kaco wuu soo qallaynayaa, haddii aan rajo laga qabin in uu ka bogsan karo xanuunka isna sida qofka gabowga ayaa laga afurrinaya)
  • Qofka socotada ah (musaafirku isagu wuu iska afurayaa hadhowna wuu soo qalaynayaa).

 

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxa sunne ah in aad ku afurto timir, oo asxaabigii Anas Rc wuxu yidhi xadiiska u wariyey “Rasuulku CSW wuxu ku afuri jiray dhawr xabbo oo timir ah.”

Sida oo kale Rasuulku CSW waxa uu ku dhiirigaliyey asxaabtiisa in ay timirta ku afuraan, sidaa awgeed waxa sunne ah in timirta lagu bilaabo afurka, timirtuna waa geed sonkor dabiici ah leh, sida macmacaan yada macmalka ahna aan keenin wax cillad ama xanuun ah, culimada caafimaadku waxa ay dhiri galiyaan ku afuridda timirta iyaga oo sheega caloosha madhani in ay ka helayso tamar wax ku ool ah, sida oo kale aanay caloosha galayn wax cillad ahi haddii lagu afuro timir iyo biyo.

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso