Bilayska Itoobiya oo Qabtay in ka badan 350 bistoolado sharci-darro ah oo loo waday Itoobiya

Addis Ababa, May 17, 2018 (ToggaHerer) – Booliska Itoobiya ayaa qabtay tiro ka badan 350 Baastooladood oo si Kootarabaan ah loo gelinayay Itoobiya iyada oo laga soo galinayay Dhinac Dalka Sudan.

Baaskooladahan ayaa lagu qabtay maalintii shalay Tuulada Awrora oo ka tirsan Degmada Tsegedie woreda ee Gobolka Tigray-ga.

Kabtan Eshete Awoke madax Amaanka Degmada Tsegedie wored ayaa u sheegay Wakaalada EBC maalintii shalay in Baastooladahan lagu qabtay natiijada dadaalka wadajirka ah ee ciidanka ammaanka iyo ciidanka difaaca.

Bilayska ayaa baadhaya darawal iyo kaaliyeyaashii gaadhi Isuzu ee siday hubka sharci-darrada ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso