Madaxweyne Biixi oo maanta qaabiley Qoraa/Abwaan/Murtimeere Cismaan Cabdinuur Xaashi (Khaliifka) oo ka mid ah qorayaasha taariikhda ku leh guud ahaan dhulka Soomaalidu degto ama lagaga hadlo afka Soomaaliga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qaabiley Qoraa/Abwaan/Murtimeere Cismaan Cabdinuur Xaashi (Khaliifka) oo ka mid ah qorayaasha taariikhda ku leh guud ahaan dhulka Soomaalidu degto ama lagaga hadlo afka Soomaaliga.

Kulankan oo ahaa mid madaxweynuhu ku dhiirigelinayey Abwaanka sida qiimaha badan ee uu afka Soomaaliga wax badan ugu soo kordhiyey iyo dedaalka dheeraadka ah ee uu geliyey sidii uu dadkiisa u gaadhsiin lahaa ama uu uga tegi lahaa dhaxal ma guuraan ah oo ay jiilba jiilka danbeeya uu ka sii dhaxlaan.

Qoraaguna waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hadyad ahaan ugu keenay buugga la magac baxay Af-dhaab oo isagu ah buug ay ku dhan tahay xigmad iyo weedho cusub oo afka Soomaaliga dib u soo nooleeyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso