Halkan Ka Daawo Qaar Ka Mid ah Gaadiidkii Shalay Ay ciidamada Qaranku ka Furteen Ciidamada Somalia ee Soo Weeraray Jiida Hore

Qaar Ka Mid ah Gaadiidkii Shalay Ay ciidamada Qaranku ka Furteen Ciidamada Somalia ee Soo Weeraray Jiida Hore Maalintii Shalay.

Gaadiidkan Milatari ayaa ah Furkii la Furtay Maalintii shalay Markii ay fooda Is Dareen Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maleeshiyaadka Puntland oo Ay Is Garabsanayaan Kuwa Federal ka Somalia.

Gadiidka ayaa Waxa ka mid ah Kuwii dhawaan ay siisay Dawlada Turkigu Maamulka Federal ka Somalia taas oo cadayn u ah in ay qayb ka ahayd Dagaalka Maamulka Federal-ka Somalia.

Wararka u Dambeeya ee Jiida Hore ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku Sugan yihiin Goobihii ay Shalay ama Fadhiisimadii ay kala Wareegeen Maleeshiyaadka Halka Maleeshiyaadka Puntland iyo Federal-ka Somalia ku sugan yihiin meel Wax yar u jirta Magaalada Garoowe.

Geesta kale maanta ayaanay jirin wax iska hor imaad ahi marka laga reebo tuuryo tuuryo yar oo dhacday.

Gaadhigan ayaa ka mid ahaa Gaadiid u Siiyey Dhawaan Turkigu Soomaliya Shalayna ay Furteen Ciidanka Qaranku

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso