Amnesty oo ku baaqday in Boqor Buurmadow iyo Maxamed Kayse la sii daayo

Hay’adda Caalamiga ah ee Amnesty International ayaa maanta soo saartay qoraal ay ugu baaqayso dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso Boqor Cismaan aw Muxumed Buurmadow iyo Maxamed Kayse Maxamuud.

Amnesty waxaay sheegtay in labadaas qof loo xidhay xorriyadda hadalka oo ay dhiibteen darteed.

Amnesty waxaay sheegtay in Boqor Buurmadow la xukumay iyada oo aan wax difaac ah aanu helin. “Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil wuxuu u diiday {Boqor Buurmadow} inuu qareen helo iyo inuu is difaaco, inkasta oo uu marar badan sidaas codsaday.” Ayay tidhi Amnesty.

Sidoo kale waxaay warbixintu sheegtay in Maxamed Kayse Maxamuud lagu xukumay qoraal uu Facebook ga dhigay oo uu ku sheegay madaxwaynaha local.

Amnesty International waxaay sheegtay inaay ka walaacsan tahay in Boqor Cismaan Buurmadow iyo Maxamed Kayse Maxamuud lagu xukumay aragtidooda oo ay dhiibteen darteed.

Ugu danbaytnii waxaay ka codsatay Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso.

Waxa halkan ku lifaaqan warbixintii ay soo saartay Amnesty oo dhamaystiran.

Waxa halkan ku lifaaqan warbixintii ay soo saartay Amnesty oo dhamaystiran.

Advertisement

Ku Xayeysiiso