Wararka u dambeeya Ee Dagaalka Tukaraq Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland oo Hub Qabsaday lana Wareegay Fadhiisinkii Ciidamadii Weerarka lahaa

Wararka Hordhaca ee laga Helayo Jiida Dagaalku saaka uu ka Qarxay ee Tukaraq Soona Weerareen Ciidamada Puntland oo garabsanaya kuwa Federal ka Somalia ayaa la sheegayaa in Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland la Wareegeen Deegaanka Qod-Qaboobe oo fadhiisin u ahayd Ciidanka Weerarka Soo Qaaday.

Geesta kale wararka aan helayno ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Somaliland ay ka Qabsadeen Ciidamada weerarka ahaa ee Isgarabsanaya Gaadiid Dagaal oo Shan ah kuna Jiro Taangi ama Kaare.

Dagaalka ayaa ah mid istaagay imika inkasta oo mararka qaarkood la maqlaayo dhawaaqa Madaafiic iyo Qoryaha Lidka Diyaaradaha.

Illaa iyo hadda Khasaaraha Nafeed ee dagaalka si rasmi ah looma oga.

wixii ka soo kordha kala soco Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso