Daawo/ Degdeg: Tiroba Shan ilaa Lix Ruux ayaa ku Geeriyooday sideed iyo Tobanna way Ku Dhaawacmeen Sida la sheegayo Shil Baabuur Oo Ka dhacay Wadada Cad ee isku Xidha Hargaysa iyo Sallaxlay meel Qiyaastii Toon U Dhaw

Shilkani wuxuu ka dhacay   Hadeer  wadada Cad, meel aan ka fogeyn TOON, waxaa ku dhintey Shan qof, Laba hablood oo walaalo ah  oo la odhan jirey Ilmo Cabdillaahi Axmed Daahir, oo uu adeer u ahaa ninka gaadhiga lahaa oo isna la yidhaa Maxamed Axmed Daahir iyo Nin magaciisu ahaa Cabdillaahi Cawl iyo Inan uu dhaley, Afartaa iyo ninka gaadhiga lahaa oo aan isagu markaa gaadhiga wadini waa isku Qoys ama Ehel, waxaa kale oo isna ku dhintey nin kale oo aanan magaciisa imika hayn balse ay Ilmaadeer ahaayeen Ex xildhibaan Maxamed Aabi Dhamac. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmey 18, qof oo laba hablood xaaladoodu COMA tahay, waxaan Eebe uga baryayaa intii dhimatey inuu geeyo Janatul fardawsa inta dhaawacaana inuu caafimaad Sareecan ah siiyo, Aamiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso