Qodob kamid qodobada dastuuriga ah ee uu leeyahay qaranka jamhuuriyada Somaliland oo godkii qorshaysnaa kusii dhacaya

 

Dalkan jamhuuriyada Somaliland waxuu dowlad nimadisii lasoo noqday 18/05/1991 malintasoo ay ahayd maalin shacabka jamhuuriyada Somaliland ay u asteyeen inay ahaato maalin qaran lana xuso.

Xukuumadihii ina soo maray waxay ilaalin jireen maalinta qaran, waxaana la siin jiray malintaas qiimaha ay leedahay, waxaana loo xusi jiray si wada jir ah.

Xukuumadihii ina dhaafay maalinta qaran xusideeda waxay u sameyaan dhaqaale ay ugu dareen miisaaniyada qaranka si culayska ku dhacaya gobolada loo yareeyo.

Dulucda hadalkaygu waxuu yahay xukuumadan talada dalka gacanta ku haysa waxay astaysay xusida maalinta qaran 15/05/2018 iyagoo u sababeeya hore usoo dhigistaasi ramadantii iyo malintii qaran oo isku beegmay.

Hadaba waxaa arinkaa si wayn uga hor yimid xisbiga wadani oo sheegay inay ka xisbi ahaan maalintii ay ahayd 18may xusi donaan tagerayaashooda xoogan ee gobolada ku kala noolna ay qateen awaamirta kazoo yeedhay hogaanka xisbogooda.

Waxaad ka daremaysaa gobolada dalka habacsanaanta xoogan ee ka muuqata u diyaar garowga maalinta qaran ee ay xukuumada qorshaysay.

Waxaa intaa kasii daran guddiyadii qaban qaabada ee 18may ee  ku sugan gobolada aan caasimada ku jirin oo leh kharashkii loogu talagalay 18may ee misaaniyada ku jirtay ilaa manta oo ay taariikhda tahay 14may mahayno.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha qaranka ugu baaqayaa inuu yeesho guddiyo kala taliya arimaha xasaasiga ah ee qarankan mugdi galin kara

Bulshada qorshaysatay inay dabaaldegaan 18may talabadii xukuumada khilaafsan waxaan ugu baaqayaa inay ka digtonadaan talabooyinka qarankan dowladnimadiisa wiiqaya

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso