Gudaha Ka Akhri Itoobiya oo ay ka soo Gashay $ 2.8 bilyan Dollar dalxiis-ka sagaal bilood


Addis Ababa, May 14, 2018 (ToggaHerer) -Ethiopia ayaa ka heshay lacag gaadhaysa 2.8 bilyan oo doollar maraykanka sagaalkii bilood ee la soo dhaafay dalxiiska, iyada oo la gaadhey 75% bartilmaameedkii la higsanayay.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, 756,758 Dalxiisayaal ayaa booqday waddanka muddadii la soo dhaafay, inkastoo qorshuhu ahaa in la soo jiito 1.2 milyan oo dalxiise.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gezahna Abate, ayaa u sheegay ENA in “gaadhitaankii iyo Yoolki aanu wanaagsaneyn.”
Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dhinaca ammaanka ay ka dhaceen qaybo ka mid ah waddanka ay saameysay dalxiisayaasha dalxiiska u iman lahaa Dalka .

Wadanku wuxuu qorsheeyey in uu soo jiito 1 milyan oo dalxiisayaal ah saddexdii sano ee la soo dhaafay, laakiin wuxuu ku guuldareysatay in uu gaadho bartilmaameedkaa dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid tahay tiro yaraanta dadka u raaca Goobaha Dalxiiska Dalxiisayaasha.

Itoobiya ayaa lahayd qorshe ay doonaysay in ay dalxiiska ka hesho lacag 4.5 bilyan oo doollar sanad maaliyadeed-kan taas oo dhamaanaysa July 7, 2018.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso