Gudaha Ka Akhri Itoobiya Oo ay ka Soo Gashay Adduun gaadhaya $ 2.1 bilyan Wax Soo Saar kala Duwan oo ay Dhoofisay 9 bilood ee la soo dhaafay

Addis Ababa, May 14, 2018 (ToggaHerer) Itoobiya ayaa xaqiijisay in ay ka heshay adduun gaadhaya 2.1 bilyan oo doollar Wax soosaar kala duwan oo ay dhoofisay sagaal-kii bilood ee la soo dhaafay iyada oo Qorshuhu ahaa inuu soo galo lacag gaadhaysa 3.66 bilyan oo doolar.

Dakhliga saddexda bilood ee ugu horreeya ee sannad maaliyadeed-ka Itoobiya ee sanadkan ayaa muujiyay in ay hoos u dhacday 1.58 bilyan oo doolar, sida uu war saxaafadeedka ku sheegay madaxa Wondimu Flate ee Wasaarada Dakhliga una sheegay Media Today.

Wuxuu sheegay in Saliidda, Shaaha, Qaadka iyo korontada ay muujiyeen waxqabad wanaagsan – in ka badan 75 boqolkiiba qorshaha loo dejiyey badeecad kasta marka la eego dakhliga soo gala.

Taas bedelkeeda, daawooyinka qalabka dhismaha, daawada xoolaha, dharka, xawaashka, dahabka, xoolaha nool, kabaha iyo wax soo saarka malab-ka ayaa ka hooseeya 50 boqolkiiba.

Shiinaha, Soomaaliya, USA, Sacuudi Carabiya iyo Nederland waxay ahaayeen waddamada ugu muhiimsan ee dhoofinta Itoobiya intii lagu jiray muddada warbixintan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso