War Deg deg Dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay qaraxyo Gilgilay kaniisadaha Indonesia


Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay 13 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saddex kaniisadood oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn dalka Indonesia ee Surabaya Axada Maanta, sida ay booliisku sheegeen.

“Dhibbanayaasha ayaa la aqoonsaday,” afhayeenka bilayska Bariga Jawa Franc Pareong Mangira ayaa sidaas yidhi.

Qaraxii ugu horreeyay waxaa lagu bartilmaameedsaday kaniisadda Katooliga Mariamite ee magaalada 7-dii subaxnimo, halkaas oo uu ku dhintay hal ruux, isaga oo intaa raaciyay in qof isku qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay 13 kale, oo ay ku jiraan laba askari oo bilays ah.

Labada weerar ee kale waxay bartilmaameedsadeen kaniisadda Protestant iyo kaniisad 50aad, iyada oo aan wax faahfaahin ah laga bixin khasaaraha weerarrada loo geystay.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters, masuuliyiinta ayaa baadaya haddii qarax kale ka dhacay kaniisad afraad.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso