Hirdanka Labada Xisbi Muxaafid iyo Waddani ee Xuska 18 May!

Hirdanka Labada Xisbi Muxaafid iyo Waddani ee Xuska 18 May!

Wali waxa muuqata inaan xal loo helin murankii xuska sanadguurada
27aad ee 18 may 2018, iyada oo labada xisbi muxaafid (Kulmiye iyo
Ucid) ay isku raaceen in la qabto xuska 15 May halka xisbiga kaliya ee
mucaarid ah ee ka jira Somaliland uu daadafeeyey go’aankaa labada
xisbi muxaafid (Kulmiye iyo Ucid) islamarkaana uu Xisbiga Mucaarid ka
ee Waddani uu shaaciyey inuu xusi doono maalintii ay ku suntanayd ee
18 May.

Haddaba, waa markii u horeysay ee tani dhacdo ama labadalo maalintii
mudnayd islamarkaana waa Markii u horeysay ee lagu kala jabo maalintii
qiimaha qaranka u lahayd, arintani may saamayn oo kaliya labadaa
dhinac ee sare ku xusan balse shacabkii Somaliland gudo iyo dibed ba
waa mid ku keentay kala qaybsanaan baaxadleh , taas oo keeni karta
inuu qaranka ku yimaad hantaaqo culus iyo in cadawgii Somaliland uu
fursad u helo khilaafkan ugub ka ku ah qaranka Somaliland.

Sidaa darted, waxaa looga baahan yahay cida dalkan ama qarankan
masuuliyadiisa dusha ku qaadatay oo ah Madaxweyne Muse Bixi in uu dib
isugu noqdo oo uu keeno xal degdeg ah wakhtigii oo kaabiga inagu soo
haya awgeed. Waxaa looga fadhiyaa sidoo kale in uu la yimaad
dabacsanaan hogaaminimo isaga oo kala xaajoonaya arintan dhinaca kasoo
horjeeda iyo waliba wada tashi inuu kala yeesho hay;adaha kale ee
qaranka. Xataa, hadii aad ka tanaasushid maalintaa 15 may waa mid
keeni karta isfaham iyo bulshada oo isku soo dhawaata, hana u qaadan
tanaasulkaasi ceeb iyo in lagaa badiyey laakiin waa mid aad ku
badbaadinayso midnimada shacabka Somaliland.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso