Hal Dhimasho ah iyo Afar Dhaawac ah Ka Dib Weerar Tooriyeyna ah oo ka Dhacday Badhtamaha Paris


Nin hubeysan ayaa dilay hal qof afar kalena ku dhaawacy dhacdo Argagaxiso oo ka dhacday magaalada Paris, sida ay booliisku sheegeen.

Ninka Weerarka geystay ayaa waxaa toogasho ku dilay bilayska Paris gaar ahaan xaafada Opera ee magaalada. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay maqleen ninka weerarka geystay oo ku dhawaaqaya Allaahu Akbar.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhacdada.Dhacdadu waxay ka dhacdey meel mashquul ah habeenkii ahna goob dalxiis .

Waxaa ka jiray xaalad argagax ah goobta, iyada oo dadku ay isku dayayeen inay isku qariyaan makhaayadaha.

Bilayska ayaa markii hore isku dayay in ay qabtaan qofka weerarka gaystay iyaga oo u adeegsaday baastoolada korontada ka hor inta aysan dilin.

Ninka Weerarka geystay ayaan weli la aqoonsan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso