Higsi Nabadeed: Gabay Ergo U Ah Colaadda Ceel-af-weyn. W/ Siciid Maxamuud Gahayr

Gabaygan oo la yidhaahdo Higsi Nabadeed, waxa uu soo baxay 12kii Mey 2018ka, waxa uu ka hadlayaa colaadda soo noqnoqtay ee deegaanka Ceel-af-weyn. Waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr.

 

Ugu Horreyn, Sidee Shaqaaqada Ceel-af-weyn Loo Af-jari Karaa?

 

Weydiintan, waxa aa la wadaagay bulshada. Waxa aan soo gudbin doonaa taladii dadka iyo wixii tilmaan ah ee aan qof ahaan ku biirin lahaa.

 

Waxaana guud ahaan noo muuqdan qodobbadan:

1.      In loo saaro guddi ka kooban Culimada waaweyn ee Somaliland sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siiro) iyo wadaaddada kale.

2.      In loo saaro beelo iyo bulsho Somaliland ah, kuwaas oo aan ku talin lahaa in ay noqdaan reer Badhan, Sool, Awdal iyo Selel

3.      In xukuumaddu dhaqan geliso goaanno adag oo dabar u noqda kuwa xadgudbaya sida xabsi dheer, hubka oo laga qaado, xoolaha oo lagala wareego, qisaas lagu fuliyo iyo taako kasta oo qas-wadeyaasha hakin karta. Dawladda lagama rabo baryo iyo sabaalo, waa in ay tallaabo cad ka qaaddo cidda nabadgelyada duminaysa. Islaan baa tidhi “Ninkaas xoogga weyni inantayda yar kama ilmo-dhali kari waayine, wuu hagrnayaa”. Xukuumaddu ha iska riixdo tuhunka habrashada ah ee loo tirinayo.

4.      Intii ay xukuumadihii hore xilka hayeen waxa meesha ka baxay doorkii Golaha Guurtida, Dhaqaalaha loo qoondeeyo maaraynta shaqaaqooyinka sida habeen-dhaxyada waxa isku koobay wasiirrada arrimaha gudaha. Waa in la nooleeyo doorkii Golaha Guurtida.

5.      In xabsiga laga sii daayo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, si uu hormood ugu noqdo xalka.

6.      Madax-dhaqameedka labada dhinac ee la maqli waayaa ha ku gooddiyo in uu dhigayo cumaamadda lagu sharfay xil kasta oo uu hayo sida Suldaan, Boqor, Caaqil IWM. Ninka aanay wiilashiisu maqlaynni muxuu micne samaynayaa?

7.      Bal ummaddan dirirta joojin weydayna ha la weydiiyo waxa ay rabaan.

 

Taladu waa wax isu-geyngeyn, waxa aan ummadda u soo gudbin doonaa tixdii ergada ahayd ee aan kaga odayaynayay shaqaaqada soo noqnoqotay ee Ceelafweyn, ma aha mid aynu hore riiqdeeda, wacad-furkeeda iyo waxyeelladeeda u aragnay.

 

Waa kan gabaygi:

Hurdo aniga oo seexday buu, Haatuf ii yimiye

Hambalyiyo ladnaan iyo ma wadin, hoodo loo kaco’e

Hanaq-gooyaduu sheegayaan, “haw” la oogsadaye

Arligoo halaag lagu shaqlaan, soo hambaabiraye

Wuxuu yidhi “halkii Ceel-afweyn, hoobiyaa dhacaye”

Wuxu yidhi “naxligi huursanaa, ways hirdiyayaane”

Waa laga hafeeftaa hadday, gacalku hoobtaanne

Hiimsaha rasaastaa la furay, waan halcanaynnaaye

Haliiladu waxay saafaysaa, hilibyadaydiiye

Intoo haanka lays jaro marbaad, kala hagaagtaanne

“Hayaaydiyo ka soo kaca” miyaan, maandhe laga haagin

 

Markaan holaca joojaba dabkay, qaar holcinayaane

Hanqadhkaa Sanaag oo kalaan, haabku filahaynne

Sidee haarta loo biinayaa, waa huq ii ugube?

Illamaa Huluul iyo Garadag, waa hadh iyo geede

Haro iyo rugbay wada tagaan, goor harraad jiro’e

Kolkuu kala hayaamuu nafluhu, kala hulleelaaye

Haddii aan hir geyn-laa mid qudhi, kama hadaafeene

Waa “habar-lammaan” baa la yidhi, hooyo iyo wiile

Hilfaa looma qaadeen nimaad, hayb “abtow” tidhiye

Tolow yaa haleeliyo nirgaha, kala horjoogaaya?

Hurimaha markii aan rarnaba, Heelladay tumiye

Anigoon habaareen ducana, kuma haliileene

Haldeeqow xal iyo maaro keen, hoonki waa weliye

 

Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh

Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh

Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe

War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh

Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho

Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene

 

Hawo dhaarta kii moodayow, way ku hodaysaaye

Lama maqal kitaabkii hufnaa, duul ka haajira’e

Hujuun iyo intii abid dagaal, heelka laga sheegay

Lama maqal hanaayahan miday, wada hab-raacaane

“Haye” iyo adoo yidhi darraad, “waan hakinaynnaaba”

Lama maqal heshiiskoo la qubo, hiifna loo bogo’e

Nimaydaan is-hurin oo tihiin, duul hal wada maala

Lama maqal habkiinno kaloo, haanka loo jaro’e

Inkastoo habeen iyo dharaar, waano lagu hoorsho

Lama maqal hallayntaad axdiga, ugu hogeyseene

Hadhka iyo saq dhexe waanadaan, heellan la ahaaye

Lama maqal wixii hadal la yidhi, “haatan laga guurye”

 

Hadur maaha dhiiggaad qubteen, heerka qiimaha’e

Haniyaha Islaam kii jaraa, Haawiyuu tegiye

Hubaal muumin ruuxii dilaa, heerma aakhiro’e

Haraggiisu naaraha wax guba, wuu ku hurushoonne

Lacnad loo hagoogiyo cadhaa, loo huwinayaaye

Jannadii hiraysiyo nimcada, wuu hareer-mariye

Hanfigii Jaxiimiyo sharbaan, “hooy” ka digayaaye

Maxaydaan haddeer noo aqbalin, waad hanfadaysaane?

 

Hootiyo warmuun bay sitaan, hoog wax ii dhala’e

Hawlbawlaha waxay kala jareen, kii la habi-laaye

Ummadyahaw habdhaqankii tognaa, laashe taan hubo’e

Hengel buu walaashii u xidhay, hoorri shiishtamaye

Nimay habaryartii ooyaysaa, guul lamuu hoyanne

Eddadaa waxaad halis dhigtay, hililiqlaysaaye

Waxa loo halgamayaa dheg-xumo, aan horraan dhicinne

 

Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh

Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh

Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe

War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh

Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho

Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene

 

Hebladeeda maantuu cimlaaq, hoystay calafkiisa

Hablaheeda tuu guursaday, hadal ka sheegeene

Waxay tidhi “ninkaa haybadda-li, wuu hagranayaaye

Hodan wuu ka dhali-laa judhiyo, hiirti waaberiye”

Wax habkaasa maantoo naxwiyo, dhaliyay hawraarta

Hummaaggiyo markaan qaabka deyay, dawladdiyo haatan

Hoggaankii dalkayguna dhacdada, wuu habranayaaye

Xadgudbaha hadday hoojiyaan, lama hadaaqeene

 

Haddii ruuxa hagardaamo fala, jeelka lagu hooyo

Kol ay tahay hashiisiyo adduun, haynta iyo maalka

Hanti iyo ganaax culus haddii, haanka laga saaro

Hub wuxuu lahaa iyo haddii, hoobye laga qaado

Hilqadlaha dhammaantii haddaad, xoog ku hananayso

Hed la jaro Wasiir Kaahinow, uma hawoodeene

Hantaataca dhammaan uumiyaa, lama horjoogeene

 

“Hoor iyo waxaan sari xijiro”, kuma hal-taameene

Hohe guurtidii baa beryahan, gabay halkoodiiye

Wax hufnaan leh taladay bulshadu, hubanti qeexeene

Haaruunyo Dirir baa wakhtigan, ugu habboonaaye

Hagooganiyo reer Awdal iyo, Seylac baa hadhaye

Hadaaftimiyo reer Sool ergada, hali ma seegteene

Hal-doorkeenna kaashada malaa, awyadaa hadhaye

 

Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh

Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh

Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe

War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh

Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho

Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene

 

Hobolkii Cifriid baa u tumay, heeso dhagareede

Shaydaanku hagardaamaduu, kugu hanuunshaaye

Hilinkiisa ruuxii maraa, wuu halaagsamaye

Hafeef iyo fal aad eeddid buu, kuu hadoodiliye

Markii uu Iblays xumi ku hagay, waadigaa hadhaye

Hoobaan waxaad moodaysaan, hoodhka soo ura’e

Habigiinnu tooskiyo hadduu, haadka wacan raaco

Haadaanta aad jiidhaysaan, uma hilowdeene

Sidiiyoon horjoogsaday nimcaad, hararaf leediine

Waydinkaw hawaawiyay wax aan, lagu hamuumeene

 

Inta aad hagaaggii nacdaad, godobna heensaynne

Haadigu jidkii uu ku faray, heedhe laga baydhe

Ka-hadaafte diintii Alliyo, lama-huraantiiye

Haddaan hedo waxaad doonaysaan, “hoo”du way xigiye

Horu-socod dalkoo maaggan baad, dib-u-hagaasteene

Higsigiyo sidaan doonaynnaad, naga habsayseene

 

Toddobaad haddaan kaa hakado, heegankiyo ciidan

Markay hugunka boqollaal dhintaan, “hoogeyduna” yeedho

“Hambadayda soo gaadha” baad, hiilka odhan-layde

Inta aannu kala haadinnaan, kala-hufaynnaaye

Halyeyada kuwaan moodayow, hoostay xaajaduye

Himilada wixii kuu san baan, kuu hirgelinne

Hoobaaq nin doondoonayow, kuma horboodeene

Bal halkaa ku qora taad rabtaan, way hurgumo ciile

 

Afartaa tixdaan hogatusiyo, hiigsi nabadeed dheh

Hojintii colaaddiyo ammaan, loo hanweyn yahay dheh

Ka hadh aadmi nool maan garteen, geeri ka hortowe

War hacoogu saydhoo nin ragi, haanka geliyaa dheh

Haddii aan hadhuubbada murtida, weliba haaneedsho

Ka hirqada wixii aan hal-karo, lama habsaameene

 

Hirwadiyo haddaan yoolka iyo, hadafka soo oodo

Hayinnimo kolkaan naco kolkaan, haanta kor u tuuro

Habkii layli goortaan ordeen, hibasho dhiilloodo

Hoggaan iyo sidii dabar adaa, iigu hawl-gala’e

Harraatida intaasaa ku filan, haamad lays jaro’e

Habkii dhaqan, hannaankii garaad, haybadlaad tahaye

Hanadnimo adaan Boqor Cismaan, kuu hannayn rabaye

Dhawaan baad huluulaha Xabsiga, “haw” ka soo bixiye

Higgaadaha dhammaan soo af-goo, ceebi yay hadhinne

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com,saedmgahair@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso