Baaq Badbaado Qaran (Xasarada Ceel Afweyn)

Mareegta Farsahxan
May ,2018
Carabkaan ku hadlaayo,nin caleentii caddaatiyo
Caammaadaan garaneyne,kolkay cuurar dhintaan e
Cutub wayni idlaadaa,lays canaanan hadhaw e
Waar tolow colka jooja!
Abwaan Salaan Carrabey (IHUN)
Ninbaa laga hayaa “hashu maankaygii gaddaye ma masaarbay liqday “ .Sidii baanay noqotoo shaw hashu gudin dhan bay liqday baa la yidhi oo laga soo saaray kadib markii la qalay.Hadaba waxaan anna leeyahay reer Ceel-Afweyn maankaygii gadee ma dawladahaan daacad ka ahayn.
Waxaa hubaala in waxa ka dhacaya gobolka bari ee Jamhuuriyada Somaliland uu noqday nabar aan bogsanayn iyo bari dhexe oo kale.Waxaana wax lala yaabo ah in marwalba la dhaarto oo dawladu ballan qaad buuxa samayso in aanay dib u aqbalayn xasarad danbe oo ka soo mirkacda aagaa.
Hasa yeeshee si isdaba jooga oo aan kala go’ lahayn ayey mar walba si fudud oo ay muuqato kuwa wadaa inaanay waxba cid iskaga tirineyn uu dagaalkaasi u bilaabanayey ,hadaba arintu si kasta ha ahaatee waxaan doonayaa in aan dhawr xaqiiqo halkan ka caddeeyo.
– Baaq badbaado qaran ayaan dirayaa
Sida dadku ku celcelinayaan oo ay ka siman yihiin kuwa xasarada wada iyo kuwa masaakiinta ah ee ay galaafanayso iyagoon dooc iyo dareentoona u lahayn anigu baaq nabadeed ma dirayo ee wax ka weyn oo ka culus ayaan dirayaa oo ah baaq badbaado qaran,waayo qadiyadani waxay sababi kartaa burburka Jamhuuriyada Somaliland .
– Beelaha kale ha ka baxaan aamuska
Xaqiiqada koowaad ee aan doonayaa in aan halkan ku caddeeyo in looga baahan yahay beelaha kale ee Somaliland inay kabaxaan aamuska oo ay si toosa uga hadlaan arintan cida wadana in sharciga la hor keeno oo xukuumada cadaadis ku saaraan. Waayo badbaadada qarankeena ayaa ku jirta,hadiise la aamuso oo beel walba marka daadku u soo galo qayliso waa calaamadii iyo astaantii burburisay dawladii Jamhuuriyadii Dimuqraadiga Soomaaliya ,oo qabiilna ku dhiiran waayey inuu yidhaa beeshaasaa khaldan beeshaana waalaga gar daranyahay ,waxaanay dhashay waxaynu maanta arkayno.
– Xasarradani waa ta xaddidi doonta Somaliland waxay tahay
Xaqiiqada kale ee aan doonaayo una sheegaayo raga hoosta ka hurinaya waxaa weeye in aanay ahayn ciyaartani mid fudud ee ay tahay ta xaddidi doonta Somaliland waxay tahay ; inay qaran jira tahay oo xeerka iyo qaanuunku shaqaynayo oo si caddaalada u shaqaynayo oo ka adag inay hanato sugida amaankeeda iyo ilaalinta nolosha dadkeeda iyo inay tahay beel cadhootay oo soomaali ka duday.
Waxa ay tahalaysaana ay tahay baaq nabadeed oo ay sida beelaha u dirto beelaha kale ee islaynaya , hadaba haday ta hore noqoto qaran jira qayladaasi way demi dadkuna waa walaaloobi nabaduna way sugmi ,haday ta danbbe noqotana ,dadbadani waxay ka istaaqfurulaysan denbigey Somali weyn ka galeen ,waayo waxay arintu noqonaysaa ( dib u soco hore u soco maxaa daal la korodhsaday).
Ugu danbbayntii waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan kooban maanta ummada Somaliland waxaa looga baahanyahay in ay is caddayso inay qaran tahay jira oo dagaalkaa diido oo mudaharaado waaweyn oo culimada iyo aqoonyahanka iyo waxgaradku hor kacayaan la abaabulo oo xukuumada caddaadis lagu saaro inay joojiso dagaalka.
Maanta inooma taalo baaq nabadeedyo aan macna sameyneyn oo la diro.Ummadu fadhiga ha ka kacdo jiritaankeeda ha badbaadsato ,oo shaqaaqooyinkaasi waa waxa cadawgu ku soo dhex dhuuntee ha layska demiyo.
Qalinkii :
Maxamed xasan
maxasabdil@gmail.com
Mareegaha Farshaxan
www. Farshaxan.com /www. Farshaxan.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso