Akhri-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee wadani Ayaa Xukuumda ku Dhaliilay Wax ka qabashada Colaada Ka Soo cusboonaatay ceel afweyn.

(Toggaherer)-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee wadani Ayaa Xukuumda ku Dhaliilay Wax ka qabashada Colaada Ka Soo cusboonaatay ceel afweyn.

Masiilyiinta saresare Ee xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo warbaahinta kula hadlay magaalada hargeysa ayaa baaq nabadeed udiray jufooyin walaalo ah oo ay diriri ku dhexmarta deegaanka ceel afweyn.

C/raxmaan Maxamed c/laahi (cirro) oo ah Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo arrintaasi ceel afweyn ka soo cusboonaatay ka hadlaayey ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:

(marka kowaad waaan halkani tacsi uga dirayaa dadkii shacabka ahaa ee ku geeryoday shalay shaqaaqooyinkii ka dhacay ceel afweyn aad ayey ayaan darou tahay in muddo 3sanno kabadan in uu inagu soo noqnoqdo dagaalkaasi ehliga ah xukuumadu arrintaasi way ku dhe jirtay intaasi dadka shacbiga ah salaadiinta dhaqanka intaasi way ku dhex jireen ,waxaana cadaadaty in ay xukuumadu halkaasi ku fashilantay o ay nabadaasi xidhi kari wayday ,waxaana la yaab leh in madaxweynihii somaliland uu isna yidhi baaq ayaan diray ,waxaana la rabay in uu amar diro,madaweyne kale odalkaukuma kuma ogin ee ma siilaanyaa dalka xukuma wali ,waxaanay hadda tusaysaa shacbiga tag yaraanta xukuumada ee hadda jirta, waana in la joojiyaa durbaanka colaada ,dadkuna waxay garan waayaan ayey farta ku fiiqayaan dee waxaasi meesha halaga saaro,waxay nabadu u idhmi laadahay waa in ay xukuumadu baadhaa).

Geesta kalena  Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah Ee isbiga wadani C/qaadir jirde ayaa ydhi:Gobolkaasi sanaag waa gobol fog waana gobolka hadhay horumarkii ,waa gobolka hadhay mashaariicihii kala duwanaa ee dowlada ,una baahnaain la badhi taro saena loo aado ,waxaana muuqata in ay boqnaha isgoynayaan ,waxaana weeyaan dadkaasi walaalaha ah in xukuumadu talo adag ka soo saarto o dib loogu noqdo ninkii nin dila in dariqii sharciga ahaa la mariyo ooshareecadalagu xukumo waxana loo baahan yahay in xukuumadu halkaasi tagto oo ay dagto aaanu u sheegaynaa madax dhaqmeedka iyo culimo u diinka deegaanka sanaag in ay iyagu hormuud noqdaan xukuumaduna gacan bir ah ku qabato ,xukuumada baaq loogama fadhiyo iyo madaxweynahaba waxa lagaaga fadhiyaa in aad adigu dirto wasiirkaaga arrimaha gudaha iyo wasiiradaada oo aad dagto ooaad tidhaahdo halkaasi ha ka imanina idinkoo aan nitiijo ka gaadhin,ka xisbi ahaanna aad iyo aad ayaanu iga xun nahay ,waana dhiig inaga wado daadanaaya).

Dhankiisana Xirsi Cali Xaaji xasan oo ah hogaamiyaha xisbigaasi wadani oo goobtaasi ka hadlaayey ayaa sheegay:(Waxaanu aad uga murugaysan nahay dadka dhibaatadu ka soo gaadhay ee dhowr iyo tobnka qof ku geeryodeen oo dad badani dhaawac soogadhay sida la sheegay waxaanu ka xisbi ahaan tacsi u diraynaa dadka wixii dhintay iyo wixii dhaawacmayba oo aanu leenahay Alleh ha shaafiyo ,waxaanan ugu baaqaynaa dadka halkaasi jooga iyo inta wax ka qaban kartaba in iyagu dhibta iska daayaan inta wax ka qaban kartana in la gurmado waxaana masuuliyiinta qaranka Somaliland masuuliyiin looga dhigaa in ay dadka ummada hogaamiyaan ooay ilaaliyaan oo ay ka ilaliyaan dhibta ay isku gaysanayaan ,waxaanan leeyahay madaxweynaha oo baaq jedinaayey in aydu baaq jeedisaan la idiima diran ee waxaa laidiin dirtay oo awooda qaranka waxaa laidiinku dhiibay in aad u isticmaashaan oo aad joojisaan colaadaasi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso