Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel

Colaad sukeeye ayaa la yidhii maxaad dhashaa waxay tidhi waxaan dhalaa:-
1. Guurti aan seexan
2. Garasho oyda
3. Iyo gocasho danbe ayaan dhalaa
Haddana waxa layidhi colaad sukeeyaay maxaad dhashaa, waxay tidh:-
1. Oday goblama
2. Agoon badata
3. Iyo uur kutaalo hadha ayaan dhalaa
Haddana waxa layidhi colaad sukeeyaay maxaad dhashaa, waxay tidh:-
1. Durdurkood ka fogaato
2. Daaqood aamini weydo
3. Iyo dibood u qoomamayso ayaan dhalaa
Runtii waa ta maanta taagan waa ta Ceel afweyn ka oohisey waa ta hilbihii is wada dhalay isu bahala gelisey waa taa aynu kawada tiiraanyey sanahay waa taa inagu noqotay kugu dhimay oo kaa dhimay aan dhamaanayn.

Runtii waxaan aad uga werwer sanahay haddii aan xalinta colaadan run iyo Alle ka cabsi lagu salayn waxa ka dhalan kara “consequences”.

Colaadda ceel afweyn waxay xujo ku tahay inta damiirka islaamnimadu ku wayn yahay, waxay si gaar ah xujo ugu tahay xukuumada, xildhibaanada guurtida iyo wakiilada kuwaas oo awood sharci (legitimate power) u haysta baajinta dhiiga daadanaya, xukuumada cusubi waxay samaysay dadaal laakiin nasiib daro wali nabadii way dhutinaysaa oo may xidhmin, dawladdu arrinta Ceel afweyn si mug iyo miisaan leh haw u gasho Illaahayna ha u talo saarato.

Ugu danbayn waxaan xasuusin lahaa cid kasta darajaduu doono hayeeshee oo si dadban ugu jirta hurinta colaada Ceel afweyn, Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel iyo maal ku bixisa ama niyada ka taageerta in ay lamid yihiin kuwa xabada ridaya ee naftooda cadaabta ku tuuraya.

Wuxuu yidhi Abwaan Faarax Nuur Alle Haw Naxariistee
“Midh yaroo la maarayn karaa
Maadhiyey iidoore
Masiibadu mar waa tii dhacdee”.
Maanta kala hoyda

Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com 063-4488215 ama 063-3412339

Advertisement

Ku Xayeysiiso