Baaq Bad baado Qaran (Xasarada Ceel Afweyn)

Ninbaa laga “hayaa hashu maankaygii gaddaye ma masaarbay liqday “ sidiibaanay noqotoo shaw hashu gudin dhan bay liqday baa layidhi oo laga soo saaray kadib markii laqalay ,hadaba waxaan anna leeyahay reer ceel afweyn maankaygii gada,e ma dawladaan daacad ka ahayn ,waxaa hubaala in waxa ka dhacaya gobolka bari ee jamhuuriyadu uu noqday nabar aan bogsanayn iyo bari dhexe oo kale ,waxaana wax lala yaabo ah in marwalba la dhaarto oo dawladu ballan qaad buuxa samayso in aanay dib u aqbalayn xasarad danbe oo ka soo mirkacda aagaa ,hasa yeeshee si isdaba jooga oo aan kala go,lahayn ayey marwalba si fudud oo ay muuqato kuwa wadaa inaanay waxba cid iskaga tirineyn uu dagaalkaasi u bilaabanayey ,hadaba arintu si kasta ha ahaatee waxaan doonayaa in aan dhawr xaqiiqo halkan ka caddeeyo.

– Baaq badbaado qaran ayaan dirayaa
Sida dadku ku cel celinayaan oo ay ka simanyihiin kuwa xasarada wada iyo kuwa masaakiinta ah ee ay galaafanayso iyagoon dooc iyo dareentoona u lahayn anigu baaq nabadeed ma dirayo ee wax ka weyn oo ka culus ayaan dirayaa oo ah baaq badbaado qaran,waayo qadiyadani waxay sababi kartaa burburka Somali land .

– Beelaha kale haka baxaan aamuska
Xaqiiqada koowaad ee aan doonayaa in aan halkan ku caddeeyo in looga baahanyahay beelaha kale ee Somali land inay kabaxaan aamuska oo ay si toosa uga hadlaan arintan cida wadana in sharciga la hor keeno xukuumada cadaadis ku saaraan waayo badbaadada qarankeena ayaa ku jirta ,hadiise la aamuso oo beel walba marka daadku u soo galo qayliso waa calaamadii iyo astaantii burburisay dawladii soomaaliya ,oo qabiila ku dhiiran waayey inuu yidhaa beeshaasaa khaldan beeshaana waalaga gar daranyahay ,waxaanay dhashay waxaynu maanta arkayno.

– Xasarradani waa ta xaddidi doonta Somali land waxay tahay
Xaqiiqada kale ee aan doonaayo una sheegaayo raga hoosta ka hurinaya waxaa weeye in aanay ahayn ciyaartani mid fudud ee ay tahay ta xaddidi doonta Somali land waxay tahay ; inay qaran jira tahay oo xeerka iyo qaanuunku shaqaynayo oo si caddaalada u shaqaynayo oo ka adag inay hanato sugida amaankeeda iyo ilaalinta nolosha dadkeeda iyo inay tahay beel cadhootay oo soomaali kaduday waxa ay tahalaysaana ay tahay baaq nabadeed oo ay sida beelaha u dirto beelaha kale ee islaynaya ,

hadaba haday tahore noqoto qaran jira qayladaasi way demi dadkuna waa walaaloobi nabaduna way sugmi ,haday ta danbbe noqotana ,dadbadani waxay ka istaaqfurulaysan denbigey Somali weyn ka galeen ,waayo waxay arintu noqonaysaa ( dib usoco horowsoco maxaa daal la korodhsaday)Ugu danbbayntii waxaan ku soogunaanadayaa qoraalkan kooban maanta ummada Somaliland waxaa looga baahanyahay in ay is caddayso inay qaran tahay jira oo dagaalkaa diido oo mudaharaado waaweyn oo culimada iyo aqoonyahanka iyo waxgaradku horkacayaan la abaabulo oo xukuumada caddaadis lagu saaro inay joojiso dagaalka , maanta inooma taalo baaq nabadeedyo aan macna sameyneyn oo ladiro ummadu fadhiga haka kacdo jiritaankeeda ha badbaadsato ,oo shaqaaqooyinkaasi waa waxa cadawgu ku soo dhexdhuuntee halayska demiyo.

Maxamed xasan
maxasabdil@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso