Iran oo weerar Afka ah ku qaadday Saudi Arabia


Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa ku eedaysay Sacuudi Carabiya, gaar ahaan hoggaamiyeyaashii oo ay ku Tilmaantay “wiilasha Caruurta ah”, iyagoo aan rabin inuu ku faafo amniga, xasilloonida iyo horumarku gobolka.

“Dal sida Sacuudiga ahi ma rabo in gobolku arko koritaanka, amniga iyo xasilloonida,” ayuu yidhi afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Iran Bahram Qasimi.

Nasiib daro, waxaanu goobjoog ka nahay, sidan oo kale, marka la eego aragtidan siyaasadeed, waxqabadyo been abuur ah, “ayuu yidhi Qassimi, isaga oo ka hadlayay jiilka cusub ee siyaasiyiinta Sucuudiga, oo uu hogaaminayey Dhaxal suge Mohammed bin Salman oo uu ku sheegay Wiil Caruur ah. Saraakiil ka tirsan dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay arimo badan oo ka jira gobolka, gaar ahaan dhibaatooyinka ka jira Yemen. ”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso