Nabad baa Naas La Nuugo Leh. Garyaqaan kayse

Somaliland halkaa waxay ku soo gaadhay wada tashi & isu tanaasul.

“cid kastoo doc wareemaysana ka yeeli mayno inay hortayada ku burburiyaan”.

In dhawaalahan waxaan warbaahinta ku arkayay niman qaarkood sitaan magacyo (siyaasiyiin & madax dhaqameed) oo hawada isu marinaya hadalo aan loo baahnayn oo u badan aflagaaddo & eedeyn. Hadaladaa oo noqonaya kuwo wax-yeelaya xasiloonida & amniga aynu ku naaloono, isla markaana wax-yeelaya wada noolaanshaha muwaadiniintana sidoo kalena bulshada lagu kala fogaynayo laguna beerayo naxli, cadaawad, & nacayb. Sidaa darted xukuumadda waxa looga baahanyahay in ay talaabo ka qaado cid kasta oo amniga & qaranimada wax-yeelaysa, sidoo kale waxa looga baahanyahay cadaalad soor & inay u sinaato muwaadiniinta dhexdooda. Waxa iyana muhiim ah inay hoos u eegto wixii tabasho jira (waa haddii ay jirtee) oo aanay isla qumanaan xadhiguna xal maaha & laysu joojin mayo.

Amnigu wuxuu ka mid yahay nimcooyinka alle inagu galaday ta ugu mudan hadii aynu is nidhaahno tiriya nimcooyinka allena tiro kuma koobayno, in la wada ilaashadaana waa muqadas.

Bini-aadamku nabadda wuxuu ugu baahanyahay sida uu ugu baahanyahay cuntada, sharaabka & caafimaadka jidhkiisa.

“إنَّ نِعَم الله عزَّ وجلَّ علينا كثيرة جدًّا، لا نستطيع عدَّها أو حصرها؛ قال تعالى: ﴿ وَإِنْ تَعُدُّوا نِعْمَتَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ﴾ [إبراهيم: 34]،
نعم؛ نعمُه كثيرة، وآلاؤه عظيمة، لو جلَسنا نُعدِّدها ما استطعنا، لكن هنالك نعمة في غاية الأهميَّة والخطورة ربما لا نشعُر بها، ولا نُعيرها اهتِمامنا كثيرًا، إنها نعمة الأمن والأمان، فيجبُ علينا إدراك قيمة هذه النِّعمة، وأنْ نتذكَّرها، وأنْ نعرف كيف نُحافِظ عليها، وأنْ نحذر من أسباب زوالها.
إنَّ حاجة الإنسان للأمن والاطمئنان كحاجته إلى الطعام والشراب والعافية للأبدان، كيف لا وقد جاء الأمنُ في القرآن والسنة مَقرُونًا بالطعام الذي لا حياة للإنسان ولا بقاء له بدونه؟! وقد امتنَّ الله به على عباده، وأمرهم أنْ يَشكُروا هذه النِّعَم بإخلاص العبادة له؛ فقال تعالى: ﴿ فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَذَا الْبَيْتِ * الَّذِي أَطْعَمَهُمْ مِنْ جُوعٍ وَآمَنَهُمْ مِنْ خَوْفٍ ﴾ [قريش: 3 – 4”.

Muhiimadda amniga waxa markhaati u ah ducadii nabiyulaahi ibraahim calayhi salaam uu alle waydistay waxay ahayd amni. Ilaahayna wuu ka aqbalay.
ومن دعاء سيدنا إبراهيم..( وإذ قال إبراهيم رب اجعل هذا البلد آمنا).. البقرة621 ـ فاستجاب له ربه وذكرهم بهذه النعمة في قوله تعالي..( أو لم يروا أنا جعلنا حرما آمنا) العنكبوت76.

Bini-aadamku markay helaan nabad & xasilooni waxay amni u helaan diintooda, naftooda, maalkooda & sharaftooda.

“إذا عَمَّ الأمنُ البلادَ، وألقى بظلِّه على الناس، أَمِنَ الناس على دينهم، وأَمِنَ الناس على أنفسهم، وأَمِنَ الناس على عقولهم، وأمِنُوا على أموالهم وأعراضهم ومحارمهم، ولو كتَب الله الأمن على أهل بلد من البلاد، سارَ الناس ليلاً ونهارًا لا يخشَوْن إلا الله”.
Cidii wax u dhimaysana waa in gacan bir ah wax lagaga qabto.

Iyadoon loo kala eegayn hayb, mansab & darajo toona, si aanay meesha u soo galin eex & nin jeclaysi, isla markaana la awdo albaabka si xun wax u sheeggu ka soo galayo.

Bulshada cadaalad baa deeqda & sharciga hortiisa oo loo sinaado haddiise la waayo waxa ka faa’iidaysan doono oo fursad u heli doono xumaantiisa mid kastoo balaayo u diyaarsan dhufayska u weyn ee uu galaana uu yahay qabiilka.

Cidii wax saluugsani maaha inay u marto jid aan munaasib ahayn oo adigoo ka gali kara albaabka inaad daaqadda ka gashaa daw maaha. Cidda talada haysaana maaha inay iyaga qudhoodu u maraana sifo qaldan oo sharciga baal marsan.

Cadaaladdu waa furaha khayrka, wanaagga & barakada halka cadaalad darradu tahay furaha fitanka, xumaanta & risiqoo yaraada.

Ugu denbeyn:

Waxaan u soo jeedinayaa madax dhaqameedka, wax garadka & hormoodka bulshada inay ka  shaqeeyaan isu soo dhawaanshaha shacabka isla markaana awdaan albaabka dhagagaalaha & inta u tababaran ka shaqaynta xumaanta, naxliga & qalooca. Xukuumadduna tudhaale ha u yeelato shacabka ay masuulka ka tahay oo ha u dhibirsanaato dulqaadkeedana ha yeelato wixii dheefana si siman ha ugu qaybiso.

Wabilaahi ataw-fiiq.

Qalinkii: Gar. Keyse Koosaar Cilmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso