Muqdisho: Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha

(Muqdisho – Abriil 26, 2018) Aqoon-is-weydaarsi lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee ee Gabdhaha iyo Teknoolojiyada (ICT) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaasna looga dhawaaqay barnaamij lagu kobcinayo gabdhaha bartay ICT-da ee a baxay jaamacadaha dalka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Barnaamijka Fursad ee hoos taga Hay’adda Iftin Foundation oo kaashaneysa Somali REN iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa looga gol lahaa in dawladda, bahda waxbarashada iyo ganacsatadaba lagu dareensiiyo caqabadaha ay la kulmaan gabdhaha barta ICT-da.

C/qaadir Macallin Maxamed oo maareeye ka ah Fursad ayaa soo jeediyay daraasad ay ka sameeyeen gabdhaha culuumta ICT ka dhammeeyay 23 jaamacadood oo ku kala yaalla Puntland, GalMudug, HirShabelle, Benaadir, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, taasi oo muujineysa in 1,233 ardey oo ICT dhammeysay sanadkii 2017 in 115 ka mid ah (oo dhiganta 9%) ay gabdho yihiin. Wuxuu intaasi ku daray in gabdhahaas tirada yar ee soo baxay ay dhibaatooyin dheeri ah kala kulmaan sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen.

Safiya Xasan Abshir oo ku hadleysay magaca gabdhaha munaasabadda joogay ayaa sheegtay in caqabadaha haysta gabdhaha bartay ICT ay ka badan yihiin kuwa bartay culuumta kale. Waxay intaasi raacisay in ICT labs oo yar, shaqo-barasho (internships) oo aan jirin iyo kala-go’naan ka dhexeysa suuqa iyo waxa jaamacadda lagu barto ay keeneen in wixii ay jaamacadda ku soo barteen aysan xiriir la lahayn waxa looga baahan yahay suuqa shaqada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo aqoonis-weydaarsiga soo xiray ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xogta la soo bandhigay ee ka hadleysa waxbarashada gabdhaha ee ICT-da iyo sida ay shaqooyinka ku helaan. Wuxuu sheegay inuu caqabadahaas qaar ka mid ah kala kulmay Wasaaradda oo gabdhaha ICT bartay ee ka shaqeeya ay ka yar yihiin 1%.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in gabdhuhu yihiin hal-abuurayaal cajiib ah oo soo hindisi kara waxyaabo xal u noqon kara qaar ka mid ah dhibaatooyinka na haysta haddii la siiyo agabka ay u baahan yihiin iyo jawi ku habboon. Wuxuu yiri “Wasaaraddu diyaar bay u tahay inay iska kaashadaan jaamacadaha iyo shirkadaha ganacsiga, si gaar ah kuwa isgaarsiinta iyo internetka, sidii wax looga qaban lahaa caqabadahan”.

Wuxuu Wasiirku ka hadlay in guulihii laga gaaray bilihii la soo dhaafay ansixinta Sharciga Isgaarsiinta iyo soo-wareejinta astaanta internetka, iyo adeegsiga xargaha internetka inay abuuri doonaan fursado hor leh oo ka dhigi doonta in shaqooyinka ICT-du noqdaan kuwa ugu mushaarka badan, aadna loo xiiseeyo, isagoo intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan sidii aysan gabdhuhu fursadahaas uga qadi lahayn oo qeybta ay xaqa u leeyihiin ay uga heli lahaayeen.

“Waa inaan haweenka jecleysiinaa teknoolojiyada si ay uga faa’iideystaan. Waxay ka faa’iideysan karaan caafimaadka, waxbarashada, iwm. Haddaba waa inaan ku dhiirrigelineynaa sidii gabdhuhu ay qeyb uga noqon lahaayeen horumarkaas aan higsaneyno, oo aysan uga harin bulshada inteeda kale” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso