Rouhani oo u sheegay Trump: Ganacsade Ma go`aamin karo arrimaha caalamiga ah!!!


Madaxweynaha Iran Hassan Rowhani ayaa carrabka ku adkeeyay in dadweynaha gobolka ay awoodaan inay ilaaliyaan amnigooda iyo xasilloonidooda kana ilaaliyaan damaca iyo hamiga Mareykanka iyo wadamada reer galbeedka ee hantida, saliidda iyo maalkooda.

“Aqalka Cad ayaa aaminsan in ay tahay inay maamulaan Bariga Dhexe, waxaanan dhihi karnaa adiga iyo Israel ma go’aamin kartaan qaddiyadda Bariga Dhexe, laakiin dadka gobolka ayaa leh Qaraarka masiirkooda,” ayuu yidhi Rowhani oo hadal ka jeedinayay Maanta oo Arbaca Ku Dhawaaqida Caasimada Dalxiiska Islaamka ee sanada 2018 ee Tabriz.

“Ganacsade iyo dhismaha munaaraduhu ma go’aamin karaan arrimaha caalamiga ah, madaxweyne Donald Trump, oo aan waxba ka aqoon siyaasadda iyo sharciyada, waa in uu horay u muujiyo inta uu ka go’an yahay heshiiska nukliyarka kadibna u uu shaki geliyo.”

Rohani waxa uu sheegay in uu diiday go’aanka ay qaadeen madaxweynaha Maraykanka iyo dhiggiisa Faransiiska ee ku saabsan faylka nukliyeerka, isagoo xusay in Iran ay ilaalisay Ciraaq waxayna diyaar u tahay inay ilaaliso Sacuudi Carabiya.

“Haddii heshiiska Nukliyarka uu yahay mid xun oo halis ah, maxaad u saxiixdeen?” Ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso