Gudaha Ka Akhri Sagaal Bilood oo Xabsi ah oo lagu Xukumay Askari Israel ah oo dilay wiil Falastiin ah

Maxkamadda Sare ee Isreal ayaa maanta oo Arbaca ah ku xukuntay askari sagaal bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay wiil reer Falastiin ah afar sano ka hor, sida ay warbaahintu warisay.

Qoyska wiilka Falastiiniyiinta ah ee Nadim Nawara ayaa qiray xukunka in uu aad u daciifsan yahay dheeldheelan yahay kuna dhiiri galinayo askarta in ay dilaan carruurta reer Falastiin.

Nawara, oo 17 sanno jir ahaa, ayaa waxaa dilay askari reer Israel ah intii lagu jiray iska horimaadyo udhaxeeyay Ofer xabsiga galbeedka Ramallah sanadguuradii Nakba ee sanadka 2014.

Kaamirooyinka saxaafiyiinta iyo kamaradaha ilaalada ee dukaamada ku dhow ayaa qaaday sawirka toogashada wiilka Nawara isaga oo xanbaarsan boorsadiisa dugsiga. Wiilkii Falastiiniyiinta kamuu mid ahayn kuwii dhagax tuurayay ee ay askarta Israel iska hor yimaadeen, ayaa lagu yidhi bayaan ay ciidamadu soo saareen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso