Facebook oo helay 1.9 milyan Qoraal “argagixiso” oo saddex bilood oo keliya Lagu Daabacay Bartooda!!!

Facebook ayaa Sheegay in ay ogaadeen in 1.9 milyan oo daabacaad ah oo ay leeyihiin al-Qaacida iyo kooxda Daacish lagu daabacay tan iyo bilowgii sanadkan.

Facebook ayaa sheegay in ay joojisay dhamaan xisaabaadka iyo daabacaadihii ku lug lahaa iyo wax walba oo ka mid ah, haday yihiin mid hore iyo mid cusub-ba.

Shirkadda ayaa sidoo kale ballaadhisay kooxdeeda ka hortagga argagixisada waxayna gaadhsiisay 150 illaa 200 oo shaqaale ah, lix bilood gudahood oo keliya, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo hawlaha shakiga leh ama “argaggixisada” ku faafaya warbaahinta bulshada.

Shirkadda ayaa sidoo kale tilmaantay in tirada daabacadu ay gaadhay heer walaac ah, oo ku saabsan daabacaad cusub daqiiqad kasta, oo u dhiganta 60 Qoraal “argagixiso” saacaddii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso