Somaliland: Haddii gu’ga kuu kordhaa, gabow mooyee, ku tarin garaad….”

Somaliland: Haddii gu’ga kuu kordhaa, gabow mooyee, ku tarin garaad….”

Gabay uu tiriyay, Ilaahay ha u naxariistee, abwaan Gaariye waxaa ku jirey bayd odhanaya “Haddii gu’ga kuu kordhaa, gabow mooyee, ku tarin garaad, ileen wax ma dhaantid geed”.

Somaliland oo ogayd waxyeeladdii geyigan iyo Soomaali inteeda kaleba ka soo gaadhay marin habaw siyaasadeed, ayaa haddan haysa waddo la mid ah tii keentay qaran jabkii Soomaaliyaddii burburtay. Waddadaasi waxay ahayd “U sacab tunka madaxda, sax iyo qaladba”, iyaddoo qofka sacabka tumi waayana, lagu eedayn jirey, oo lagu xidhi jirey, denbiyo gole-ka-fuul ah (lagu dul-sameeyay), oo aanu jirin xeer dhigayaa oo ay ka mid ahaayeen

·         Kacaan diid

·         Qaran dumis

·         Midnomo dhantaal

·         Ku-qosle kabtan kufay (Eraygan, waxaa unkay mucaaradka, si loo kiciyo dad)

Taasi waxay geyaysiisay dadkii inay NACAAN ERAYADDAA WANAAGSAN, oo ay yidhaahdaan annagga diidnay- QARANNIMO, MIDNIMO, KACAAN, iwm; ee ninkii aanay xabbaddu karaynoow kaalay na xidh, xaalkiina wuxuu ku dambeeyay REER BA’OOW, YAA KU LEH.

 Hadda, Somaliland baa waddadaa haysay 20kii gu’ ee ina dhaafay; waayo sanad walba dad baa lagu xidhaa ama lagu mustaafuriyaa denbiyo gole-ka-fuul ah oo ay ak mid ayihiin

·         Somaliland diid

·         Nabadgelyo dhantaal,

·         Xamar ka heese

·         Diric buluug xidhato

·         Iwm

 AGGA! Waar Somaliland muxuu yeeli karaa wiil dhalin yaro ah oo xaflad Muqdisho lagu qabtay ka heesay ama inan gashaanti ah oo “Soomaali weyn aaminsan (Ileen denbi maahee); muxuuse u tari karaa, mid jiboo Somaliland ah la qiiraysan; oo haddana waaggi beryaba musuqmaasuq iyo ku takri-fal hanti guud dhex mushaaxayaa; duhurkii markuu lacagtaas booliga ah ku qayilo ee uu marqaama ku heesa “Somaliland dalkayga….. Somaliland dalkayg,…..)

 Ilaa inta xadhigaasi socdo adduunyaddu waxay u arkaysaa inay dadka reer Somalialnd doonayaan midnimadda, balse ay ka baqayaan xadhiga iyo mastaafurin sharci darradda ah. Sidaa awgeedna ay sacabka ugu tumayaan jiritaanka Somaliland, iyaggoo aan aaminsanayn, waa kow. Labba, xadhig iyo xoog toona qof laguma aaminsiin karo mabda’ aanu diyaar u ahayn (Allow ma ogtahay). Saddex, haddii dhaqankaasi joogsan waayona, waxaa xiggi doona inay dadku yidhaahdaan- annagga diidnay Somaliland, nabadgelyo, iyo adigaba’e cirka soo dumi.

 “Hadhow bay odhan, la iima heesinoo, dad hurdaa i helay”

 Axmed Maaxmed Diiriye

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso