Xukuumaddu Iyada Dabada Haysaa Qorshaha kor loogu qaadayo Shilinka Somaliland!!!. W/Q: Mustafe Cabdi Daahir

Xukuumaddu Iyada Dabada Haysaa Qorshaha kor loogu qaadayo Shilinka Somaliland!!!. W/Q: Mustafe Cabdi Daahir

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumaddu Soo saartay go’aan ka dhan ah isticmaalka dollarka, waxaase la yaab ah in wasaaradii Maaliyaddu ay iyadu dollar ku qaadayso cashuurta .

Wasaaradda maaliyadda gaar ahaan cashuuraha barriga ayaa dadka marka laga qaadayo cashuurta lagaga qaadaya dollar, taasina waxay caqabad ku tahay dadka, maadama aanay suuragal ahayn in lacag ka Yar boqol dollar lagu diri karin adeegyada lacagta ee zaad iyo E-dahab, oo ay dawladdu mamnuucday .

Haddaba miyaanay dawladdu iyadu Dabada haynin Qorshaha Shilinka kor loogu qaadayo, ta kale miyaanay xukuumaddu KU dhaqmayn go’aamada ay iyadu Soo saarto!.

Ugu dambayn waxaan idin Soo bandhigaynaa risiido ka Soo baxay wasaaradda maaliyadda oo dollar ku xardhanyahay, halkii ay ahayd in shilinku ku qornaado .

Nala eeg sawiradan, oo cadayn kugu filan xukumadda aan aqoonsanayn go’aamadeeda, Kuna dhaqmaysaa talaabo liddi ku ah Isla go’aamada ay iyadu Soo saartay!!!!!

Qalinkii : Mustafe Cabdi Cali

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso