Lieberman oo soo dhaweyay Joojinta Maraykanka ee Ereyga “Dhulka La Haysto”

Wasiirka gaashaandhigga Isreal Avigdor Lieberman ayaa soo dhaweeyay joojinta Isticmaalka ereyga “Dhul-ka la haysto” oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku ayna cinwaanka warbixinta sannadlaha ah ee ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee gobolka iyada oo ku bedeshay ereyga Daanta Galbeed.

Warbixinta sannadlaha ah ee ku saabsan xuquuqda aadanaha adduunka oo dhan, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxay isticmaashay ereyga “West Bank iyo Gaza Strip” halkii ay ka ahaan jirtay “dhul-ka la haysto”.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay tixgelisay warbixino ku saabsan xadgudubyo ay sameeyeen mas’uuliyiinta Israel ee xuquuqda aadanaha ayna ka geysteen dhulka Falastiiniyiinta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso