Daacish: Ururka Dawlada Islaamiga ah oo Sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa Kabul


Ururka Islamic State ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lala beegsaday xarun diiwaan galinta codbixiyayaasha ah caasimadda Kabul taas oo uugesytay qof isa soo miidaamiyey oo xidhnaa Suun ay ku xidhan yihiin waxyaalaha qarxa.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Afghanistan, Walid Mgrouh, ayaa sheegay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xarun lagu diiwaan-galinayay xarun cod-bixineed oo ku taalla Kabul lagu dilay ilaa 31 qof, ayna ku dhaawcmeen in ka badan 54 qof.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Najiib Danesh ayaa sheegay in ruuxa weerarka fuliyey isku qarxiyay albaabka laga galo xarun ku taala galbeedka caasimadda, ayna u badan yihiin Dadka Shiicada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso