Pyongyang : Oo ku dhawaaqday joojinta Tijaabada nukliyeerka iyo Sawaariikhda ballistic-da

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku dhawaaqay in waddankiisu Joojinayo tijaabooyinka nukliyeerka iyo Ganida Sawaariikhda sidoo kalena xidhaayo goobta baadhitaanka nukliyeerka ee woqooyiga dalka.

“21-kii Bishii Abriil, Waqooyiga Korea ayaa joojin doonta samaynta tijaabooyinka nukliyarka iyo diyaarinta gantaalada ballistic-ga,” ayay sheegtay Wakaalada wararka North Korea News Agency (KCNA).

“Waqooyiga Korea waxay xidheysaa goobta baadhitaanka nukliyeerka ee waqooyiga dalka, iyada oo xaqiijinaysa sida ay uga go’an tahay joojinta tijaabada nukliyeerka,” ayay wakaaladdu intaa ku dartay.

Go’aanka ayaa la gaadhey kulan guud oo xubno ka tirsan Guddiga Dhexe ee Xisbiga Xoogga Shaqaalaha Jimcahii, sida ay sheegtay wakaaladda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso