Xog muhiim ah: Waraysigii Wasiirul dawlaha Imaaraadka iyo turjumaddiisa W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

 

Waxay  u muuqataa in lagu dawakhay welina la hadal hayo  waraysigii ay BBC da qaybta Carabdu la yeelatay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Debedda ee waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta Mr  Anwar Qarqaash oo la waraysatay muddo hal usbuuc laga joogo.

Waraysiga oo arrimo farabadan lagu falaqayeey  ayaa inta Soomalida khusaysaa ama Somaliland ha ahaato ama Soomaaliyaba ee u egtahay  warbaahinta AfSoomaaliga wax ku gudbisa   inay qaarkood  si qaldan u turjumeen.

Waxaana la arakay  muuqaal o waraysi ah, laakiin AfSoomaali lagaga ddul hadlayo , kaas oo ka  dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed meel ay joogaanba  dooda badan iyo sawaxan , qof wailbana u turjuntay sida uu jecelyahay.

Haddaba halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa waraysiga inta Soomaalida khusaysa oo dhan oo sideedii ah ( aan laga dul hadlayn) iyo turjumaddiisa.
Su’aasha BBC da  (daqiiqadda 1:30, waxaa bilaabmay waraysiga  inta Soomaalida khusaysa)

Su’aasha inta hore la maqli mayo .. ‘’Si aan loo fahansanayn adduunka Carabta , maxaa meesha ka jira?’’

Anwar Qarqaash : ‘’ Waxaannu ahayn dawladda Carbeed ee qudha ee dhaqdhaqaaq iyo taageero  ku leh Soomaaliya  si xasillooni uga dhacdo  muddo laga joogo 20 sano, hadday noqoto tababarro, horumarinta ciidamada badda iyo la dagaallanka budhcad badeedda. Markii ay bilaameen arrimaha budhcad badeedku taageero ayaanu Soomaaliya u gudbinay sida qawaaniinta  ku saabsan budhcad badeedka iyo shirar caalami ah  oo  aannu hormood ka ahaynna oo aannu  qabanay. Waxaannu kaloo ka caawinnay arrimo iyo qawaaniin  la xidhiidha  khilaaf xuduudaha ku saabsan arrimaahaasuna waa  socdeen’’.

BBC da: ‘’Markaas maxaa dhacay?’’.

Anwar Qarqaash: ‘’ Haa, iyada oo arrimahaas laga duulayo ayaa waxaa jiray Isfahan cad oo ku salaysan in siyaasadda Soomaaliya midnimo u sal tahay, isla markaana in Somaliland oo ahayd qaybtii Ingiriisku xukumi jirey waqti hore inaanu la macaamilno oo  ka samaynno horumar iyo xidhiidh dhaqaale. Isfahankaasna waxaannu la galnay dhawr xukuumadood oo isaga dambeeyey Soomaaliya. Waxay ila tahay kadib waxaa dhacay doorashadii ugu dambaysay ee Soomaalyia ka dhacday ayaa waxaa mandiqadda ka  bilaabmatay siyaasad cusub oo gees gees ah.Siyaasaddaas cussubina saamayn ayay ku yeelattay dawladda Soomaaliya.  Dhibaatada ugu dambaysey ee Soomaaliya naga soo gaadhay waa tii 4 aad ee naga soo gaadha xukuumaddan cusub, way jireen kuwa hore laakiin xal ayaanu ka gaadhna. Waxaana u sabab ah arrimo ku tidhi ku teen ah iyo arrinta  la xidhiidha  horumarinta dekedda Berbera taas oo fursado shaqo abuur ah iyo horumar samaynaysa iyo wixii la mid ah.
Sideedaba talaabooyinkaas aannu qaadnay ee socdey 20 ilaa 25 sano waxba ma ahaateen haddii aad gacan caawimo ka helayso [fahan , Haddii su’aalo laga qabo arrimaha qaarkood waxay ahayd in lays weyddiiyo ma aha in diyaarad la qafaasho taas oo ay saarnaayeen 47 ka mid ah ciidamada Imaaraadka ee tababara ciidamada Soomaliya iyo lacag dhan $10 m oo doolar oo ahayd mushaharka ciidamada tababarka la siiyo. Suurta gal ma aha intaad go’aan noocaas oo kale ah qaadatid inaad tidhaahdid wada hadalka waxaannu ku dhammaynaynaa qol madaw hoostii. Arrimuhu sidaas kuma dhammaadaan. Arrimuhu waxay ku dhammaadaan si waadix ah [cad]. Runtiina waxaan ku odhan karaa  annagu waxaan garab taagnayn Soomaaliya marka duruufuhu ugu cuslaayeen, welina duruufahaasu waa kuwa   aan sal dhigan  laakiin sidii sanawaadkii hore ee aynu soo araganay  waa  ka soo hagaagayaan. Waxaannu ka furnay safaarad waqti aan cidina doonayn inay safaarad ka furato , waxaannuna hormood ka ahayn sidii loo caawin lahaa ‘’

BBC da : ‘’Waxaan ka fahmi karaa hadalkaas Sacaadatul Wasiir arrinta maalgashiga ee Somaliland  iyo dekedda Berebera waxaa sal u ahaa is fahanka aad la yeelateen xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu Muqdisho yahay’’.

Anwar Qarqaash : ‘’Waxay ku qabsoontay is fahan cad oo aanu la yeelanay xukuumadihii hore ee Soomaaliya , isfahankaas oo  ahaa mid cad  isagoo tilmaamaya   mawqifka siyaasadeed oo ahaa in la is garab  taago midnimada Soomaaliya. Annagu qunsiliyad kuma lihin Somaliland iyo safaaradba, xidhiidh [diblomasi] lama lehin.  Bal bilcakis Waxaannu kala shaqayannay dhawr madawxeyne oo hore sidii aannu hawl fududayn ugu samayn lahayn si Soomaalida aannu isu keenno oo ay u kulmaan. Waxay ku kulmeen Abu Dhabi iyo Dubai, dawrkayagu wuxuu ahaa oo qudha hawl fududayn si isfahan uga dhex dhaco. Isfahanku wuxuu ahaa haddii aanu qirno Soomaali midaysan taasuna waa siyaasaddayada , taasu isma hortaaagayso in aan horumar iyo maalgashi iyo arrimo bani aadanimo ka samaynoo So…’’
Caddayn: Waxaan isku deyey inaan u turjumo waraysaganu sida uu yahay maqalkiisu  oo anoo kalsoono buuxda ku qaba fahanka iyo aqoonta afka Carabiga ah.

Waxaa xusuus mudan in laga heli karo waraysiga oo dhan BBC da , laakiin waxaan ku kalsoonahay in ay qaybtan waraysiga dheer  ka mid  ah ee Soomaalida khusaysa ay ku dhantahay xogtu.

Halkan waraysiga ke eega

https://vimeo.com/264833023

Wabillaahi tawfiiq

Maxamuud Ismaaciil Barreh

UK

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso