XISBIGA WADDANI (CIRRO IYO INA BUUBBA) – SHACBIGA HA U CADDEEYAAN HALKAY KU ARKEEN AMA KU MAQLEEN IMAARAADKU XUKUUMADIHII MUQDISHO AYAY BERBERA HESHIIS KU KALA SAXEEXDEEN

XISBIGA WADDANI (CIRRO IYO INA BUUBBA) – SHACBIGA HA U CADDEEYAAN HALKAY KU ARKEEN AMA KU MAQLEEN IMAARAADKU XUKUUMADIHII MUQDISHO AYAY BERBERA HESHIIS KU KALA SAXEEXDEEN.
Qalinkii ( Rasheed Cali Meigag Samater)
“Arrimuhu waxay noogu dhammaadeen Isfahan cad oo aanu la lahayn xukuumaddii hore ee Somalia. Isfahankaasu kuwo cad bay ahaayeen waxana markaasi sal u ahaa midnimo Somaliyeed. Annagu Safaarad kuma lihin Somaliland, Qunsuliyadina nooma fadhido Hargeisa. Gargaar bani-aadannimo oo bandanna waanu tarnay ummadda somaliyeed – oo xataa dalkayaga waxanu ugu qabanay kulammo isu soo dhowaansho. Taasina ma aha mid noo diidaysa inaanu horumarin la wadaagno Somaliland oo ahayd maxmiyadii boqortooyada Ingriiska.”
Sidaa waxa Idaacadda BBC qaybta Afka –Carabiga u Sheegay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeedda EE Waddanka Imaaraadka Anwar Maxamed QarQaash
Haddaba Shirkii Jaraaid ee Guddomiyaha Waddani Iyo Waraysigii Ismaciil Buubbaa labaduba sida qaawan ee anshaxa iyo Haykalka Dawladnimo labadaba ka baxsan ugu weerareen madaxdii Xukuumaddii Hore iyo Tan maanta Joogtaba iyagoo leh Wasiirka carbeed “BEEN IYO KHIYAAMO QARAN” oo labada xukuumadoodba galeen buu kashifay oo heshiiska Berbera Xukuumaddii Somalia iyo Imaaraadka Ayaa kala saxeexday- waa inay si qeexan ummadda iyo caalamkaba u soo hor –dhigaan iyagoo caddaynaya warkay sheegayaan iyo cidda kashiftay – maadaama warka Wasiir QarQaash iyo warka ay sheegeen marnabha aanu isku mid ahayn. Haddii ay caddayn u waayaanna – fadeexaddaa iyo Qaran Dumintaasi waa inay noqoto mid iyaga dib ugu noqota oo maxkamadday dalbadeen la hor keeno.
Shirkii Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay waddanka Turkiga 13kii April 2013kii, waxa jirey 7dii qodob oo lagu wada heshiiyay, waxana ka mid ahaa ”IN SOMALIA IYO SOMALILANDBA SI BUUXDA UGA WADA HAWL-GALAAN SIDII TAAGEERO IYO DHAQAALE HORUMARINEED LOOGU HELI LAHAA SOMALILAND.” Sannad dabadeed bishii December 2014 Shirkii Somaliland iyo Somalia EE Djibouti, waxa mar labaad la isla qaatay 6 qodob oo qodobkaa Ankara lagu heshiiyay ka mid yahay iyo “ INAAN MASHAARIICDA HORUMARINEED LA SIYAASADAYNIN LANA TAAGEERO”. Shirkan Djibouti, madaxda Waddani ee hadda joogta oo uu ka mid yahay Maxamed Bixi Yonis iyo Xirsi Cali Xaji Xasan xaadir bay u ahaayeen.
Haddaba miyaanay wax lagu qoslo ahayn in madaxda Waddani khiyamo qaran u arkaan ISFAHANKA Somalia iyo Imaaraadku isla fahmeen mashaariicda Horumarineed ee Dekedda Berbera iyagoo og in isla-fahaankaasu ka dhashay shirar hore oo laga heshiiyay in loga hawl-galo arrimaha HORUMARKA iyo inaan la Siyaasadaynin .
Waase yaabe, waa ayyo cidda u haysatay in Imaaraadku Aqoonsaday Somaliland? ama Safaarado iyo Qunsuliyado ku leeyahay. Ninkan Carbeed waxa uu kashifay ee Waddani iyo Shacabkuba aanay hore u ogayn, ee hadda Cirro iyo Ismaciil keligood maqleen waa maxay?.
Baadhis iyo Akhris badan markaan ku sameeyaya heshiisyada Dekedaha iyo Maal-Gashiga – oo Dawlado kala duwan oo caalamka ihi kala saxeexdeen, ma jiro heshiis sarrifan oo la soo hor-dhigay Golayaashooda oo ka duwan kii la hor keenay Goleheenna Shacbiga, Kaaso ahaa “NUXURKII HESHIISKA”, Caalamkuna U Yaqqaanno (MEMORUNDUM OF UNDERSTANDING (M.O.U.).
Waxa hubaal ah, Saamiga Somaliland ka qaadatay maal-gashigan inaynu ka badsan lahayn haddii Aqoonsi Caalamiya aynu haysanno, Laakin aniga waxay iigu muuqataa in DHIIL Madhan aynu Dhiil Buuxa ku Dhufannay, Haddiise Gocgocii la waayo ay markaasuun habboon tahay in Af-labadii la yeedho.
Haddaba iyagoo aan hubo inaan garasho darro haynin madaxda Waddani, maxaa ku kellifaya inay maalin walba CEEB iyo CAYDH ku riixaan ummaddan Dhibtu soo daashatay, oo cadawgana ka farxiyaan – Shacbiga iyo Qaranka Somalilandna ka nixiyaan oo ula jecel yihiin Dawlad-burbur iyo Qaran Jabka. Amuurtu Kursi jacayl iyo khrash Qaranka laga dhacay baanu daba joognaa ka durugsan- xayndaabkii wax wada-lahaanshaha iyo dhawrista Qaranimada Somalilandna marnaba looma tudhin.

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Rasheed Cali Meigag Samater
Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somaalida W. London

Advertisement

Ku Xayeysiiso