Ururka sonyo waa magac u yaal bahdilay magacii iyo milgihii ay lahaayeen dhalinyarada somaliland W/Q: Axmed ismail leewar

 

Ururka dalinyarada Sonyo wuxuu ka leexday dhabihii horumarka lagu gaadhsiin lahaa dhalinyarada somaliland,wuxuuna noqday mid ay ku qadhaabtaan dhalinyaro aan damiirkoodu sida saxda ah u shaqaynayn oo dhaammeel raac ah,isla markaana macaash uun kaligood ka raadsada .waxa kale oo halkaaas ka dareemaysaa inay ururkan curyaamisay caadifad ku dhisan nidaam kooxaysi oo ah halbeega ay ku cabiraan cida ay danaynayaan ama ay ku meel marsan karaan musuq maasuqa iyo hantida ay ku boobayaan magaca dhalinta somaliland guud ahaan.
Ururkan sonyo maaha mid ku dhisan caddaalad iyo sinnaan waayo gobolada somaliland dhalinyaradeedu maaha mid ay ku midoobeen balse waxa muuqata inay cid gaari ku kooban tahay
micnaha iyo nuxurka uu ururkani xambaaarsan yahay oo ah nidaam sifo khaldan taladiisa loo maroorsday iyo meherad dad gaari ay dheeftiisa manaafacaadsadaan.
Marka laga hadlayo urur dhalinyarada somaliland magacood huwan waa yaabe ma wuxuu noqon karaa mid ay koox yaru uga faa’iidaysato daneheedda gaarka ah? Mise damal hadhweynoo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada s/land bari ilaa galbeed?
Hashu maankayga gadaye ma maansaar bay liqday!

Ururka sonyo waa magac u yaal bahdilay magacii iyo milgihii ay lahaayeen dhalinyarada somaliland waxay ku fashilmeen inay wax muuqda u qabtaan dhalinyarada somaliland ee ay magacooda huwan yihiin.
Ma qabtaan doodo cilmiyeed oo dhalinta lagu dhiirigelinayo si ay hammigooda uga midho dhaliyaan
Kamana qayb qaataan dhinaca ciyaaraha oo furre u noqon lahaa isdhexgalka bulshada iyo baraarujinta dhalinyarada lagaga wacyi gelinayo caadooyinka xunxun iyo masiibada tahriibka oo noqotay aafo saamayn taban ku yeelatay mujtamaceenna da’yartiisa oo u hanqaltaagaysa dibeddaha ama qurbaha inay u tacabiraan.

Ma jiraan waxqabad taabbo gal ah oo ay ka sameeyeen gobolada somaliland balse marka laga yimaado qaab dhismeedka ururkan ayaa noqday mid u janjeedhsaday nidaam ka duwan kan uu magaciisa huwan laakiin markaad dhab ahaan u duur xusho ayaa fahmi kartaa karti darada iyo aqoon la’aanta baahsan ee hadhaysay sonyo.
Waxaana ragaadiyey musuq maasuq iyo maamul xumo waayo ma jirto guddoon lagu midaysan yahay oo si hufan loo doortay oo ku dhisan aqoon, hufnaan iyo karti lagu xulan karo shakhsiga hoggaaminaya urur xambaarsan dhalinyarada s/land magaceeda,waxaynu maqalaa guddoomiyaha ururka sonyo ayaa la doortay iyadoo aanay jirin tartan adag oo dhex maray dhalinta iyo cid sharaxan toona taasina waxay marag ma doon u tahay isu dheelli tirnaan la’aanta ka dhex jirta ururkan sonyo ay ku dhisan tahay kooxaysi iyo shakhsiyaad kaligood isku camira

Waxaanay maax dumisay kumanaan dhalinyaro ah oo hammigoodu gaadhsiisan yahay inay hoggaamiyeyaal lagu hirto noqon lahaa
Ururkani waxa ku midoobay dhalinyaro mooryaan ah oo isbaaro u dhigtay horumarkii iyo hilinkii toosnaa ee ay dhalinyaradu ku meel marin lahaayeen hammigooda maskaxdoodana ku tuujin lahaayeen dalkana uga faaiidayn lahaayeen, haday noqoto waayo aragnimada balaadhan ee ay leeyihiin iyo aqoonta ku duugan intaba.

TALO SOO JEEDIN………..

1:Waa inay dhalinyarada somaliland ka damqadaan kana dhiidhiyaan ururkan magacoodii iyo milgohoodiiba iyo karaamadii ay lahaayeen laciifiyey una horseeday nusqaanta.

2:waa inay dhalinyaradu sameeyaan kacdoon ka dhan ah damiir laaweyaashan caadaystay inay ku guuraan magacooda kuna qadhaabanaya sharafteenna iyagoo ka been sheegaya tubta toosan ee dhalinta lagu gaadhsiin karo horumar taabbogal ah oo ay dhalintu ku tallaabsdaan.

3;inay xukuumadda iyo ururadda caalamiga ahi ka fiirsdaan ururkan sonyo kana joojiyaan lacagaha ay kaga qaadanayaan mashaariicda been abuurka ah ee aanay fulin.

4:in ururkan sonyo guud ahaantiisba laga tirtiro saaxda ururada somaliland loona aqoonsado mid ku saqiiray dantii loo xilsaaray.

GUNAANAD…….

Waxaan xukuumadda u sheegayaa kuna boorinayaa in ururka dhalinyarada sonyo uu noqday mid ka gaabiyey waajibaadkii iyo xilkuu dhalinyarada ugu magacwnaa sidaa daraadeed xukuumadda ayaa looga fadhiyaa inay xayiraad saaraan guud ahaan ururkan dhaqdhaqaaqiisa inta la helayo mid ay dhalinyarada somaliland oo dhammi ay ku midaysan yihiin oo dhexdhexaad ah haystana kalsoonida da’yarta.
Insha allah qaybta labaad filo maalamaha soo socdo

Ahmed ismail leewar
Hargeisa somaliland
Axmedismail029@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso