Trump : Waxaan la kulmi doonaa Kim Jong-un toddobaadyada soo socda


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu la kulmi doono hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un todobaadyada soo socda si looga wada hadlo Hubka Nuclear Jasiirada Korea.

“Sidaad ogtahay, waxaan la kulmi doonaa Kim Jong-un toddobaadyada soo socda si aan ugala hadlo mas`alada Hubka Nuclear ka Kuuriya, waxaanan rajeynayaa in kulanku uu guuleysto,” ayuu Trump ku sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra`iisal Wasaaraha Japan Shinzo Abe oo ku sugan Florida maanta oo Khamiis ah.

Waxa uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay in laga takhaluso hubka Nukliyarka ee Waqooyiga Kuuriya iyo caalamka oo dhan. “Waxaan ixtiraameynaa wax badan oo ah sida Kuuriyada Dimuqraadiga ah ay u shaqeyneyso dhinacyo badan, waa inaan wadajir u shaqeynaa, waa inaan joojinnaa hubka nukliyeerka, oo ah mid ku habboon dhammaan qaybaha adduunka,” ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso