Muuse Biixi waa madaxweyne la doortay Abdi Abdillaahi Moalin

 

MUUSE BIIXI WAA MADAXWEYNE

SHACABKU DOORTEEN

Asalaamu calaykum waraxmatulLahi wabarakaatu, Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan idin la qeybsado dhawr arimood oo baraha bulshada lagu falanqeynayey,

1- Mid shaki iyo madmadow yeysan naga galin, Muuse biixi doorasho xaq iyo xalaal ah ayuu madaxweyne ku noqday ee inqilaab kuma qabsan, Xaqna wuxuu u leeyahay inuu dhameysto mudadaa loo dhaariyey, Hadii uu dambi kagalana dalka waxaa jira gole shacabka doortay oo xaq u leh inay ka xayuubiyaan ama ka qaadaan amaanada, Waxaan madaxweynaha kula talin lahaa inuu shacabka soo jiito oo waxtar la taaban karo sameeyo si uu marlabaad loogu igmado kursiga.

2- Xaga dekeda, Waxaa jira dhawr war aysi oo badidood iswaafaqaya mid mooyee, Hadii aad dib u dhageysato wareysigii madaxweynihii hore ee somaliya xasan sheekh, Wuxuu cadeeyey inuusan haba yaraatee Emaratku aysan wax ka weydiin dekeda Berbera, Waxaa kaloo isna xusuus mudan in markii heshiiska sadex geesoodka ahaa lagu kala saxiixanayey Dubai uu ra’iisal wasaaraha somaliya joogay Abu dabi, waxna la weydiin, Waa isagii markii uu ka soo degay gegada dayuuradaha xamar uu ku calaacalayey sidii xasan sheekh waxba laygama weydiin. Hadaba iyadoo halkaa marayso ayuu wasiirkan Emaratku yidhi xasan sheekh ayaanu ka saxiixanay, Isku soo wada duuboo, Hadii sida wasiirka yidhi sax tahay markii ay diideen heshiiskan dawlada xamar maxay u hakin waayeen ? Tan kalena dagaalkii ay gashay dawlada xamar ilaa UN ayey u dacwodeen oo ay ku fashilmeen, Sababtuna waa heshiiskii ay labada dawladood somaliya iyo Somaliland ku galeen UK ayaa dhigayey in aan la iska carqaladeyn heshiisyada horumarineed iyo in ay laba dawladood kala yihiin.

Sidaa awadeed waxaan dawlada u soo jeedinayaa ;inay sharci loo siman yahay oo qeexaya muwaadinka markuu ka horyimaado madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland la sameeyaa oo dib dambe waraaq cafis ah iyo wixii la mid ah la joojiyaa, Si loogu cibra qaato.

Iyo in dawladu heshiisyadii ay la gashay Emaratka si joogta ah qodob qodob ula socotaa si aysan qarashka dekeda isaga gudhan uun, Waana inay dawladu ka faa’iidaysataa fursadan aysana u debcin Emaratka, Ugu danbeyntiina waa in dawladu xuduuda dalka soo xidhaa waxwalba oo dhacaaba, Sababtoo ah inta ay aduunka na ictiraafin waa fursad oo waxaynu nahay dal gudihiisa dagaalamaya, Taana waxay keeni doonta in aduunku si nabad loo sameeyo oo xal waara loo gaadho ayey ugu dhiiran doonaan inay na ictiraafaan, Ileyn waatanoo 28 sanadood difaac ayaanu ku jirnaa somaliyana waa weerar, Si jawigaa loo bedelo waa inaysnu weerar noqonaa oo iyagu difaac noqdaan

Sharma’arke Maxamed Cumar

sheeq@hotmail,com   

Advertisement

Ku Xayeysiiso