Maduro : “Ey-da Dagaalka” (Maraykana , Ingiriis iyo Faransiis) ayaa ah kuwa Ka Faa`idaya Duqaynta Suuriya

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in Maraykanku, Ingiriiska iyo Faransiiska ay bilaabeen “Weeraro Dambiilinimo” oo ka dhan ah Suuriya Sabtidii.

“Waxaan u tixgelineynaa weerarkan ficil dambiile ah oo ka dhan ah dadka Suuriya, oo hadafkiisu yahay in la abuuro argagax cabsi gelin iyo burburinta xarumaha cilmi-baadhista ee Suuriya,” ayuu yidhi Maduro oo wareysi siinayay telefishanka qaranka.

Waxa uu intaa ku daray in dadka masuulka ka ah weerarka Suuriya ay yihiin “Eyda dagaalka” kuwaas oo ka faa’iideysanaya kordhinta hubka iyo sii wadida hawlgallada milatari ee loogu talagalay in ay faa’iido ku helaan kharashka kuwa lagu diley. “Waxaan is waydiinayaa, intee in le’eg ayuu ku kacay duqayntani ?…Se Yaa Bixiyey?

Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa sabtidii duqeeyey meelo badan oo ka mid ah Suuriya waxayna ku sheegeen inay ciqaab u tahay Dimishiq oo weeraro kiimika ah ka geystay Douma bariga Ghouta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso