Gurmad Qaran

————Gurmad Qaran—‘——————””—–        Marka hore waxaan Salaamayyaa Dhammaan Bulshada Somaliland, Marka kabaad Maanta Xaaladdu Dalku marayo aynu yar dheehanno waxaan Jeclahay in aan dhawr qodob ka hadlo Aan ku horreeyo xagga Dhaqaalaha waxaad Mooddaa in aynu ku soconno in Shilinkeenna Somaliland uu waxba goyn waayo oo uu lumo awooddiisa wax goyneed (Purchasing Power) waxaana Sabab u ah arrimo soo jiitamayey illaa bilawgii xukuunaddii Kulmiye ee hadda lagala wareegay Xilka, sixir barar ayaa isna barkan oo lacagtan qiimo dhacdayna dhan kaga xidhan sababo dhawr ah oo kalena ku xidhan haddaan ku yara gudo dhaco sababahaa kale waxa ka mid ah   A) Cashuuraha oo illaa maalintaa kulmiye qabsadaysannad walba waa la kordhiyaa markaasaa dadkana lagu odhanyyaa miisaaniyaaddii baanu kordhiney ogoobeey dadkaa la sii fuuley ee ma waxbaa kordhay; dee marka shayga Cashuurta lagu kordhiyo dee isna qiimihiisu sare ayuu u kacayyaa waxa aan ognahay Shay kasta laban laab ayuu hadda yahay marka la bar bardhigo qiimihiisii Laba sano ka hor haddaanu laban laab iyo Badh ahayn                              B) Lacagta Dollarka ah ee aynu qaad ku bixinno iyana waa qodob Saameeyya Iaaguna oo dollar badan ayaa halkaa inagaga baxa                                                       C) Dollarka oo aynu u usticmaalnay sidii lacagteennaa koowaad (Dollarization) oo suuqa marjaad shay ama badeeco ka iibsanayso waxaa qiimihiisa laguugu sheegayyaa Dollar markaa ka dib ayaa SL shilling laguugu sheegayyaa                          D) xoolaha Noolaa oo ahaa il dhaqaale muhiim ahi inaga soo Gali jirey oo iyana ay Joojiyeen Sucuudigii                                    Qodobka labaad oon ku eegi Doono xagga siyaasadda:-     Siyaasiyan waxaan Mooddaa in aynu Somaliland intii ay Jirtey aynu marayno halkii ugu hooseysey   waxaad mooddaa in aynu ku soconno Nooc Maamul goboleed waayo waxa inoo markhaatiya wixii ka dhacay hawadeeni iyo sidii lagula wareegay, Arrintan DP World ee dekadda Berbera ee uu imaaraadkii runta ka sheegay siduu sheegay wasiiru dawlihii Arimaha debadda ee Imaaraadka oo yidhi Somalia ayaa noo saxeexday dekadda Mana aqoonsanin Somaliland, halka ay xukuumaddeenuna lahayd annagaa saxeexnay,                                                         Qodob ka sadexaad wuxuu noqonayyaa kaabayaasha bulshada:-  Runtii waxaynu ognahay in kulmiye mashaariic biyood oo dhaqaale fara badan oo weliba laynagu caawiyey galeen uu ku dhawaaqay hadh cad in ay fashilmeen sabab la’aan kuwo Dambana sidaynu ugu Aamini mooyi “Ninbaa geel uu lahaa nin u raaci jirey isna wuxuu bixin jirey diyada maalin maalmaha kamida ayaa lagu yidhi geelaagii wuu cararay Ninkii intuu qoslay ayuu yidhi xeradaan ka aqaan waxan uga socdaa illeen kulmiye waa kulmiye uune biyihii xerada ayaanu ka naqaan maalin la isweydiiyo sababta lacagtaa loo cunayna way iman.                                                             Waxaas oo hagar daamo ah markaynu aragno dalkani wuxuu berigii hore ku badbaadi jirey odayaal qaaliya ayuu lahaa oo markay adkaato u gurmada maanta wax dhintay iyo wax daalay ayey u qaybsameen odayaashii waddankiina Gurmad qaran ayuu u baahanyahay oo xaalad khiyaamo qaran dhacday ayuu marayyaa  ee yaa u cida Anigu waxaan soo jeedin lahaa:-                                            1) In aqoonyahanku qaataan Doorkii odayaashu gali jireen oo ay ka tashadaan sidii looga bixi lahaa xaaladahan kor ku xusan oo u baahan Gurmad qaran.                2) In ay xukuumaddan fashilantay ee meesha ay ku socotto iyo Halka ay ka socotto aan aqoonini ay la tashatto aqoonyahanka dalka iyo dadkaba ka naxayya                                                                3) In Dalka loo sameeyo Siyaasad jaan go’an oo uu raacco oo hadda iyomusraqbal kaba leh si aanu Madaxweynihii Yimaaddaaba Aanu halkuu doono ula kicin.                                            ALLAA       mahad leh                                        Abdillahi Yusuf Elmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso