Gudaha Ka Akri Ciidamada Kurdida oo Qabtay Nin ku lug lahaa weerarradii September 11 ee New York


Muwaadin Jarmal ah asal ahaana ka soo jeeda Suuriya oo ku lug lahaa qorsheynta weerarradii September 11 ee New York City 2001-dii ayay qabteen ciidamada Kurdiga Suuriya, sida uu sheegay Wakaalada AP taliye sare oo Kurdida Suuriya ahi.

Xog ka soo Baxday Kurdiga ayaa sheegtay in maxkamad la soo taagayo Mohammed Haydar Zammar, waxaana qabtay ciidanka Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya waxaanu intaa raaciyey in baadhisi ku socota.

Zamar waxaa laga afduubay Morocco sanadii 2002 waxaana lagu xidhay Suuriya,ka dibna waxa sii daayay afar sano ka hor Nidaamka ka arrimiya Suuriya.

Waxaana la sheegaaa in Zammar uu ku lug lahaa qorsheynta weerarradii 11-kii Sebtembar ee 2001-dii kaas oo lagu dilay 2977 qof, ayaa lagu sheegay Xogtan ay bixiyeen Kurdigu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso